Xildhibaanada SSC-Khaatumo oo QM ugu dacwooday safiirka UK

Image
ْXildhibaanada ayaa cabashadaan ku sababeeyay faragelinta uu ku hayo arrimaha gudaha ee dalka.

LAASCAANOOD, Soomaaliya - Xildhibaanada SSC-Khaatumo u fadhiya Baarlamaanka Soomaaliya ayaa warsaxaafadeed ay soo saareen waxay ku sheegeen inay ka soo horjeedaan hab-dhaqanka Safiirka Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya, danjire Mike Nithavrianakis.

ْXildhibaanada ayaa cabashadaan ku sababeeyay faragelinta uu ku hayo arrimaha gudaha ee dalka, isla markaana ku tilmaamay in uu ka soo horjeedo danaha guud ee SSC-Khaatumo.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in shacabka SSC-Khaatumo ay soo mareen halgan 15-sanno ah oo ay kaga soo horjeedaan maamulka Somaliland, kaasoo ay kula kulmeen dambiyo dagaal oo ay ku waayeen culumaa’udiin, aqoonyahanno iyo siyaasiyiin.

“SSC-Khaatumo waxay doonaysaa inay nabad kula noolaato deriskeeda, waxayna doonaysaa inay xirhiir wanaagsan la samayso hay’adaha caalamiga ah ee taageera Soomaaliya.” ayaa lagu yiri bayaanka.

War saxaafadeedka ayaa loogu baaqay safiirka Ingiriiska in uu u hogaansamo waajibaadka danjirnimo, isla markaana uusan faraha la soo gelin arrimaha SSC-Khaatumo, iyagoo [xildhibaanada] carabka ku adkeeyay in maamulkaasi ay si buuxda mas’uul uga yihiin dhulkooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM