Xildhibaanada taageersan Jawaari oo Digniin culus soo saarey [Dhageyso]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xildhibaanada taageersan Gudoomiyaha Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa caawa saqdii dhexe ku qabtey Muqdisho Shir jaraa'id oo ay kaga hadleen fadhiga berri.

Xildhibaanada, ayaa digay natiijada ka dhalan doonto Kulanka berri ee uu maanta iclaamiyay Muudey, kaasi oo ay sheegeen in la doonayo in si sharci darro ah oo cod gacan-taag ah xilka looga qaado Jawaari.

Waxay sheegeen in iyadoo Jawaari uu ogolaaday wadahadal, islamarkaana magacaaby gudii waanwaan la shaaciyay markale kulan aan labada dhinac isku raacsanayn, kaasi oo hal garab uu wato.

Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil (Xasan Yare), oo kamid ah Mudaniyaasha la hadlay Saxaafadda ayaa sheegay inay diyaar u yihiin dhankooda in sanduuq lagu kala baxo, iyadoo beesha caalamka goobjoog tahay.

Xasan Yare ayaa sheegay in hadii Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya loo hogaansami waayo, inay aad u adkaan doonto in wadanka lawada joogo, oo ay sii shaqeyso dowladda haatan jirta.

Xildhibaanka ayaa tilmaamay in Gudoomiye Jawaari isagoo la fadhiya Madaxweyne Farmaajo uu Muudey fariin qoraal ah u diray Xildhibaanada, isagoo ku wareglinaya inuu jira Isniinta Kulan cod loogu qaadayo Mooshinka ka dhanka ah Jawaari.

"Burburkii ku dhaca Soomaaliya waxaa mas'uuliyadeeda qaadaya cidii wadahadalka ka baxday, oo doonaysa inay dastuurka ku tumato, oo fowdada ka shaqeynaysa," ayuu yiri Xildhibaan Xasan Yare.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisad Ka Taagan Bartamaha Soomaaliya kadib Markii Al-Shabab la wareegtay Degmo muhiim ah

Si looga jawaabo weerarkaasi, dagaalyahanada Macawiisleey, oo ah maleeshiyo bulsho oo taageerta dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 11:16AM

Xasan Shiikh oo ka soo muuqdey Antalya xilli Soomaaliya ay wajahayso qalalaase amni iyo siyaasadeed

Sawirkan oo aad loogu falceliyay baraha bulshada, ayaa yimid xilli dalka…

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 01:47AM