Xildhibaanada taageersan Jawaari oo Digniin culus soo saarey [Dhageyso]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xildhibaanada taageersan Gudoomiyaha Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa caawa saqdii dhexe ku qabtey Muqdisho Shir jaraa'id oo ay kaga hadleen fadhiga berri.

Xildhibaanada, ayaa digay natiijada ka dhalan doonto Kulanka berri ee uu maanta iclaamiyay Muudey, kaasi oo ay sheegeen in la doonayo in si sharci darro ah oo cod gacan-taag ah xilka looga qaado Jawaari.

Waxay sheegeen in iyadoo Jawaari uu ogolaaday wadahadal, islamarkaana magacaaby gudii waanwaan la shaaciyay markale kulan aan labada dhinac isku raacsanayn, kaasi oo hal garab uu wato.

Xildhibaan Xasan Cabdi Ismaaciil (Xasan Yare), oo kamid ah Mudaniyaasha la hadlay Saxaafadda ayaa sheegay inay diyaar u yihiin dhankooda in sanduuq lagu kala baxo, iyadoo beesha caalamka goobjoog tahay.

Xasan Yare ayaa sheegay in hadii Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya loo hogaansami waayo, inay aad u adkaan doonto in wadanka lawada joogo, oo ay sii shaqeyso dowladda haatan jirta.

Xildhibaanka ayaa tilmaamay in Gudoomiye Jawaari isagoo la fadhiya Madaxweyne Farmaajo uu Muudey fariin qoraal ah u diray Xildhibaanada, isagoo ku wareglinaya inuu jira Isniinta Kulan cod loogu qaadayo Mooshinka ka dhanka ah Jawaari.

"Burburkii ku dhaca Soomaaliya waxaa mas'uuliyadeeda qaadaya cidii wadahadalka ka baxday, oo doonaysa inay dastuurka ku tumato, oo fowdada ka shaqeynaysa," ayuu yiri Xildhibaan Xasan Yare.

GAROWE ONLINE

Related Articles

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM

Uganda oo xiriirka difaaca u jartay Türkiye, malaayiin dollarna ku waayi karta Soomaaliya

Arrintan ayaa dhalisay su’aalo ku saabsan sida loo maalgelin doono howlgalka iyo in dalalka ciidamadooda ku sugan Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 06:03AM