​Xildhibaano eedeeyay madaxweynaha Somalia

Image

MUQDISHU- Qaar kamid ah mudanayaasha Barlamanka Somalia ayaa eedayn xooggan usoo jeediyay madaxweynaha dowladda Federaalka, taasoo ku aadan ansixinta hannaankii doorashada ee shalay madaxweynuhu ku meelmariyay caasumadda dalka.

Xildhibaanada ayaa hogaamiyaha dalka Somalia, ku edeeyay khiyaano qaran, iyagoo sheegay inuu ka dul booday shaqadii Barlamanka, waxayna ugu goodiyeen inay ka qaadi doonaan tallaabada ku haboon.

Mudanayasha aadka u dhaliilay madaxweynaha Somalia, waxaa kamid ah Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre, wuxuuna sheegay inaysan ahayn go'aankaasi mid haboon, sababtoo ah wuxuu xusay inay Barlamanka la hor keenay ajande adag oo ah umad dhan masiirkooda.

Wuxuu arrin aan wanaagsanayn ku sifeeyay qorshaha madaxweynuhu qaatay isagoo yir “Xildhibaanada go’aan adag waa qaadan karaan, waana la ruqseynayaa, asagoo ruqso ah oo aan waxba heyn wax ha raadsano.... Tallaabada uu madaxweynuhu sameeyay waa qiyaano qaran oo cad”.

Dhinaca kale shacabka Somaliyeed ee gobollada dalka ku sugan, ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay, waxayna soo dhaweeyeen ansixinta hannaanka doorashada, halka qaybtood aad u dhaliileen Xasan Sheekh oo ay ku eedeeyeen inuu ka booday aragtida dadkii matalayay shacabka.

Balse, waxaa soo si cad usoo dhaweeyay madaxda maamul goboleedyada qaarkooda, waxaana kamid ah maamulka Jubbaland oo sheegay inay soo dhaweynayaan tallaabada lagu meelmariyay hannaankii lagu hishiiyay.

Arrintan ayaa kusoo beegantay kadib markii ay magalada Muqdishu, soo gaareen wafti kasocda golaha ammaanka ee Jamciyadda Quruumaha ka dhaxaysa, waxana lagu cadaadiyay in hishiiskii bishii April la meelmariyo.

Dhinaca kale, waxaa la qiyaasayaa in arrintani dhabaha u furayso qorshe lagu kala dirayo Xildhibaanada haatan jooga, maadama waqti kooban ka hartsantahay doorashada dalka xildhibaanaduna ku jiraan kalfadhigoodii ugu dambeeyay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo Xasan Sheekh uga Digay inuu sameeyo Muddo Kororsi sharci-darro ah

Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo muran siyaasadeed uu ka taagan yahay marxaladda kala guurka ah iyo sida loo wajahayo doorashooyinka soo socda ee dalka.

  • Soomaliya

    01-09-2025

  • 11:43AM

Masar oo qaadey Tallaabo Itoobiya ka digtay inay saameyn ku yeelato amniga Soomaaliya

Ciidamada Masar oo bedelaya kuwa Burundi, ayaa qeyb ka noqon doona dadaallada AUSSOM ee la dagaallanka Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    01-09-2025

  • 07:54AM