Xildhibaano ka soo horjeestay mooshinka la laalay [Dhagayso]

Image

26 September, 2015(GO)-Xildhibaano ka tirsan Barlamanka Somalia ayaa ka soo horjeestay qoraal ka soo baxay guddoonka oo lagu sheegay in la tuuray mooshin dhawaan laga keenay madaxweynaha Somalia.

Xildhibaan Cabdullahi Goodax Bare oo ka mid ah mudanayaasha horkacaya mooshinka ka dhanka ah madaxweynaha, ayaa tilmaamay in aysan ka noqon doonin mowqifkooda. 

Barre oo la hadlay BBC-da aya sidoo kale xusay inuusan micno ku fadhin qoraalka ka soo baxay guddoonka Barlamanka Somalia, waxaa uuna xusay in arrintani tahay masiirka umadda Somaliyeed.

Mooshinka ayuu ku tilmaamay inuu yahay mid aan la tuuri karin, waxaana uu diiday baaq ka soo  baxay guddoonka oo sheegay in 7-da bisha soo socota la isugu yimaado wada-hadal.

Arrinta laalista Mooshinkan, waxaa dabada ka riixaya Xasan Sheekh, iyo xubno ka tirsan golihiisa wasaariadda, waxayna u muuqata mid keeni karta khilaaf hor leh oo sababi karta kala fogaanshahay xildhibaanada kala aragtida duwan, maadamaa kuwa mooshinka ka keenay madaxweynaha ogolaadeen in lagu dhammeeyo wada-hadal.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Somalia ayaa  13 August , 2015 guddoonka golaha u gudbiyey mooshin ah in xilka laga qaado madaxweyne Xassan Shiikh, iyagoo ku soo eedeeyay  xad-gudubyo ka dhan ah Qaranimada dalka "Khiyaano Qaran" iyo jabinta qodobo ka mid Dastuurka dalka Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Midowga Afrika oo dib u eegaya hawlgalka xasilinta Soomaaliya

Ugu dambeyn, waxaa la filayaa in Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika uu dhowaan soo saaro war-murtiyeed ku saabsan arrintan.

  • Soomaliya

    22-12-2025

  • 07:20AM

Dhakhtar Kenyan ah oo farriin muuqaal ah soo diray isagoo ku jira gacanta Al-Shabaab

Ilaa iyo hadda, Qaramada Midoobay iyo dowladda Kenya midkoodna kama aysan soo bixin jawaab rasmi ah oo ku aaddan baaqa uu diray Kimiti.

  • Soomaliya

    22-12-2025

  • 06:02AM