Xog dheeraad oo laga helay Qaraxii Baladweyne

Image

BALADWEYNE, Soomaaliya - Waxaa magaalada Baladweyne ka dhacay sabtidii qarax sababay dhimashada in ka badan 21 qof iyo dhaawaca tobaneeyo kale. Qaraxan ayaa lagu fuliyay gaari xamuul ah oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa kaas oo ku qarxay dhanka bari ee magaalada.

Gaariga xamuulka ah ee siday walxaha qarxa ayaa markii hore waxa uu soo maray Koontarool ku yaala Buundada Liqliqato, halkaasi oo lacago looga jaray. Waxaana la sheegay in uu la socday gaariga shaqsi aad looga yaqaano magaalada oo ku shaqeysta in uu gubyo gaawaarida.

Gaariga xamuulka ah ayaa safarkiisa sii watay, waxaana uu gaaray goob kale oo laga hago gaadiidka, waxaana loo diiday inuu ka gudbo inta baaritaan dhab ah lagu sameynayo.

Maamulka ayaa xog hore ka hayay gaarigan. Markii la ogaaday in uu ka gudbay Buundada Liqliqato, ayaa waxaa loo diray ciidamo dheeraad ah oo isugu jira Boolis iyo Milatari si ay uga hortagaan in uu u soo gudbo Bartamaha Magaalada.

Gaariga ayaa ugu dambeyntii lagu joojiyay Koontarool ku yaala xaafadda Horseed, wadihii gaariga ayaa durba qarixiyay isaga oo galaaftay nolosha dad badan oo shacab ah oo aan waxba galabsan.

Gaarigan xamuulka ah ayaa la wariyay in laga soo gudbiyay dhanka Galbeed ee magaalada sida ay rumeysan yihiin Maamulka, halkaas oo aan wali laga bilaabin howlgallo lagu sifeynaayo kooxda maylka adag.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo diiday nidaamka cusub ee E-Visa, kuna eedeysay DFS faragelin sharci-darro ah

Maamulka Puntland wuxuu si joogto ah u difaacay madaxbannaanida uu ku leeyahay maamulka gudaha ee kaabayaashooda muhiimka ah.

  • Soomaliya

    09-09-2025

  • 06:27AM

Madaxweyne Xasan Sheekh maka qeybgalayaa Xarig Jarka Biyo-xireenka Nile

Ruto iyo Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ku sugan Addis Ababa, oo la filayo inay munaasabadda ka qeybgalaan.

  • Soomaliya

    08-09-2025

  • 07:40PM