XOG | Maxaa ka jira in Madaxweyne Xasan Sheekh uu booqasho aan la shaacin ku tagay Itoobiya?

Image
Madaxda 34 dal & diblomaasiyiin ka socda wadamada caalamka ayaa la filayaa inay ka qeyb galaan shirka AU.

Muqdisho, Soomaaliya - Ilo-wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud uu booqasho aan la shaacin ku tegay caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa, si uu uga qayb-galo Shir-Madaxeedka Midowga Afrika.

Madaxweynaha ayaa ka qeyb galaya shirkan oo furmi doona 12-ka bishan, iyadoo uu weli taagan yahay khilaafkii u dhaxeeyay labada dal ee ku saabsan heshiiskii ay Itoobiya iyo maamulka Somaliland kala saxiixdeen 1-dii Janaayo.

Madaxda 34 dal, diblomaasiyiin ka socda wadamada caalamka, iyo madaxda hay’adaha madaxa banaan ayaa la filayaa inay ka qeyb galaan shirkan, waxaana jira wadamo wada dadaallo la isugu soo dhaweynayo Soomaaliya iyo Itoobiya.

Wadamadaasi ayaa doonaya in ay kulan gaar ah ay isugu keenaan madaxweynaha dalka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’isul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, si ay uga wada hadlaan xiisada ka taagan labada dal oo daaran muranka badda.

Ilo wareedyo ku dhow Villa Somalia ayaa sheegaya in dadaalladaasi aysan weli guuleysan, waxaana la filayaa in Madaxweyne Xasan Sheekh uu khudbad xasaasi ah ka jeediyo shirkaas, isagoo madaxda Afrika u sheegi doona halka uu khilaafka ka dhashay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka Oo Ka Hadlay Sababta Loo Diiday Gelitaanka Garsoore Soomaaliyeed Omar Artan

Afhayeen u hadlay Hay’adda Kastamyada iyo Ilaalinta Xuduudaha Mareykanka (CBP) …

  • Soomaliya

    09-06-2026

  • 06:12AM

Diidmada Gelitaanka Mareykanka Ee Garsoore Omar Artan Oo Caro Ballaaran Abuurtay

Toddobaadkii hore ayay FIFA sheegtay in arrinta fiisaha Omar Artan si buuxda loo…

  • Soomaliya

    08-06-2026

  • 07:18PM