Qoor-Qoor oo arrimo la xiriira xilka Ra’iisul Wasaaraha u tagey Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye [Qoor-Qoor], ayaa maanta gaarey Muqdisho, iyadoo socdaalkiisa kusoo beegmaya maalin kadib markii Kheyre xilka laga qaadey.

Warar hoose oo Warsidaha Garowe Online uu helay ayaa sheegaya in Qoor-Qoor u tagey Muqdisho arrimo la xiriira jagada Ra’iisul Wasaaraha dalka, oo uu raadinayo qof beeshiisa Habar-Gidir kasoo jeeda.

Xogta ayaa intaasi ku dareysa inuu wado Axmed C/salaan, oo mar soo noqday Ra’iisul Wasaare ku xigeen xiligii dowladdii KMG ee AUN C/llaahi Yuusuf. Wararka qaar waxay sheegayaan inuu isaga rabo xilka RW.

Madaxweyne Farmaajo ayaa haysta mudo 28 maalmood inuu kusoo magacaabo Ra’iisul Wasaare cusub, kadib markii Sabtidii lasoo dhaafay Gollaha Shacabka si kedis ah xilkii uga qaadey RW Xasan Cali Khayre.

Lama oga inuu Madaxweynaha ku qanci doono qorshaha Qoor-Qoor, oo imaanaya xili Beelaha Hawiye ay loolan xoogan ugu jiraan qabashada xilka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Mucaaradka ayaa ku eedeeyay Farmaajo inuu tallaabadan u qaaday sidii mudo korarsi ku sameysan lahaa, isagoo jahwareer siyaasadeed abuuray xili waqtiga ka haray doorashadda lagu sii dhawaanayo.

Mareykanka iyo Midowga Yurub, ayaa cambaareeyay ficiladda Farmaajo iyo Gollaha Shacabka oo ku ay tilmaameen kuwa laga xumaado, oo dib u dhac u keenaya geedi socodka dib u dhiska dalka iyo dedaallada dib usoo kabashadda ee socda.

Madaxweynaha dawladda Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in xilka qaadista Kheyre lagu fashilinayo wajiga 2aad ee shirka la filayo in 15-ka August uu uga farmo DF iyo Dawlad Goboleedyada.

Maamullada ayaa horey u shaaciyay mowqifkooda ku aadan doorashadda, iyagoo soo jeediyay in la raadiyo nooc doorasho oo heshiis lagu hayay, maadaama Villa Soomaaliya ku fashilintay qabashada doorasho qof iyo cod ah, taasoo Farmaajo balan-qqaaday markii la doortay.

Gudiga Doorashooyinka Qaranka wuxuu dhawaan kahor sheegay Gollaha Shacabka inuusan qaban Karin doorashii qof iyo cod, ee laga sugayay dawladda sanadkan, wuxuuna dalbaday 13 bilood si loo gaaro hiigsigaas.

Soomaaliya hadda waxay taagan tahay wado isgoys ah [Cross-road], mana la oga jihada la aadi doono saddex midkooda, doorasho dadban, mudo-korarsi iyo in la dhiso dawlad midnimo qaran [Government of National Unity], oo aqoonyahanno hohaaminayaan [Technocratic Government].

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Kenya oo cabsi amni darteed u diiday Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya inuu dalkeeda galo

Dowladda Kenya ayaa masaafurisay Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee Soomaaliya, Jibriil Cabdirashiid Xaaji.

  • Soomaliya

    29-06-2026

  • 07:56AM

Cali Guudlaawe oo ku Dhawaaqay inuu Yahay Musharrax, Isagoo sugaya Tikidhka Xisbiga JSP

Dhinaca kale, dadka dega gobolka Hiiraan ayaa qaba tabashooyin waaweyn oo ka dhanka ah maamulka Cali Guudlaawe.

  • Soomaliya

    28-06-2026

  • 12:11PM