XOG: RW Khayre iyo CC Shakuur oo la dhex-dhexaadinayo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Mas'uuliyiin katirsan dowladda Soomaaliya ayaa billaabay dhex-dhexaadin ay ka dhex-wadaan Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Illo xog-ogaal ah ayaa Warsidaha Garowe Online u xaqiijiyay in Wasiirka cusub ee Arrimaha Gudaha, Cabdi Maxamed Sabriye uu hormuud u yahay waan-waanta lagu dhameynayo khilaafka labada dhinac.

Garowe Online ayaa ogaaday in la joojiyay dacwaddii Maxkamadda Racfaanka gobolka Banaadir ee ku socotay CC Shakuur, iyadoo dowladda laga yaabo inay magdhaw ka bixiso weerarkii guriya Siyaasigan.

Macluumaadka GO ayaa sheegaya in Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo xubnaha kale ee ku jira dhex-dhexaadinta ay doonayaan in qaab xeer-jajab ah lagu xaliyo arinta CC Shakuur oo saaran xayiraad dhanka safarka, sidoo kale laga qaaday Baasaboorkiisa.

Waan-waanta socota ayaa maraysa hadda heer gabo-gabo ah, iyadoo aan la ogeyn halka ay ku dhimaan doonto kiiska CC Shakuur, oo ka dhashay duulaan ay NISA ku qaadey Guriga uu ka degan yahay Muqdisho kaasi oo lagu dilay 5 kamid ahaa ilaaladiisa, isagana kasoo gaarey dhaawac fudud.

Xukuumadda ayaa sidoo kale xabsiga dhigtay CC Shakuur, iyadoo ku eedaysay inuu dhaqaale kasoo qaatey dalal shisheeye iyo inuu Caasimadda kawaday dhaq-dhaqaaqyo mooshin dhan ah Farmaajo lagu diyaarinayo.

CC Shakuur oo kamid ahaa musharaxiinta tartanka la gashay Madaxweyne Farmaajo doorashadii sideedii February ka dhacday Muqdisho, ayaa si aad ah u dhaliila Xukuumadda Ra'iisul Wasaare Khayre iyo Xafiiska Madaxweynaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Khilaaf xooggan oo ka dhex qarxay Xisbiga Xasan Sheekh

Dhaawaca ugu weyn ee soo gaaray xisbiga ayaa loo arkaa go’aanka uu qaatay xoghayihii xisbiga, Cabdiraaxmaan Odowaa.

  • Soomaliya

    23-03-2026

  • 09:27AM

Dowladda Federaalka oo Shaacisay inuu Idlaaday Muddo-xileedka Hoggaanka Koonfur Galbeed

Ilaa hadda, madaxtooyada Koonfur Galbeed kama soo bixin jawaab rasmi ah oo ku saabsan shaacinta firaaqda xafiiska.

  • Soomaliya

    22-03-2026

  • 09:36PM