XOG | Tirada saxda ah ee Saraakiisha naftooda ku waayey weerarkii Gen. Gordon

Image
Askari ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka ayaa weerar ku qaaday Saraakiil Imaaraad u dhashay.

Muqdisho, Soomaaliya - Askari ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, ayaa weerar ka fuliyay Xerada General Gordon ee Magaalada Muqdisho, oo ah Saldhiga Imaaraadka Carabta uu ku tababaro Saraakiisha Somalida, waxaana hawlgalkaasi oo ahaa mid loo adeegsaday qoriga BKM, isla markaana lala beegsaday Saraakiisha Imaaraadka.

Askariga ayaa rasaas isweydaarsaday ciidamadii Soomaalida ahaa ee saldhiga ku sugnaa, waxaana howlgalka lagu dilay saraakiil Imaaraati ah, ilo amni ayaa sheegay in ninka dilka geystay uu ka mid ahaa ciidamada xoogga dalka, gaar ahaan kuwa ay Imaaraadku tababareen, waxaana lagu magacaabi jiray Xasan Maxamed.

Ilo ka tirsan laamaha amaanka ayaa Warsidaha Garowe Online u xaqiijiyay in tirada dadka ku dhintay weerarkaas ay ahaayeen shan qof, 3 sarkaal oo Imaaraati ah, sarkaal Baxreyn ah iyo sarkaal Soomaali ah, waxaana dhacdadan ay dhacday xilli ay ku guda jireen salaaddii Cisho & Maqrib, maadaama ay safar ku jireen. .

Weerarka ayaa lagu dilay Madaxii howlgalka amni ee Imaaraadka Carabta u qaabilsanaa Soomaaliya, Mohamed Mubarak Al Mazrouei.

Warbaahinta dalka ka soo baxa ayaa aad u buun buuniyay tirada dhacdadan ku dhimatay, iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in 9-20 qof lagu dilay, taasoo ka hor imaaneysa xogta laga helay ilo amni oo lagu kalsoon yahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diidmada Gelitaanka Mareykanka Ee Garsoore Omar Artan Oo Caro Ballaaran Abuurtay

Toddobaadkii hore ayay FIFA sheegtay in arrinta fiisaha Omar Artan si buuxda loo…

  • Soomaliya

    08-06-2026

  • 07:18PM

Sirdoonka Turkiga oo Wada Dadaallo Lagu Xallinayo Khilaafka Doorashooyinka Soomaaliya

Turkiga ayaa muddo dheer ahaa saaxiib dhow oo Soomaaliya ka taageera dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo horumarinta.

  • Soomaliya

    08-06-2026

  • 08:21AM