Xogta Nin fuliyay qarax dad badan ku dilay Muqdisho oo la shaaciyay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Kooxda Al Shabaab, ayaa shaacisay xog ku saabsan ninkii fuliyay qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee dadka badan ku dilay Isgoyska KM-0 ee magaalada Muqdisho habeenkii Jimcaha ee lasoo dhaafay.

Idaacadda Al Shabaab, Andalus ayaa baahisay cod laga duubay nin magaciisa lagu sheegay Cabdullaahi Sheekh Aadan, oo ka dambeeyay weerarkii kowaad ee ka dhacay agagaarka xarunta NISA ee Habar-Khadija kaasi oo ay ku dhinteen 20 qof.

Ninka ayaa wareysi uu siiyay Andalus kahor inta uusan isqarxin ayaa ku sheegay inuu kasoo jeedo mid kamid ah Beelaha dega gobolka Gedo, gaar ahaan Beesha Mariixaan.

Naftii-hurran ayaa waday Gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa, kaasi oo uu ku qarxiyay Barkoontarool oo NISA ku leedahay Isgoyska KM-0, iyadoo xilligaasi wadada ay marayeen dad badan oo shacab ah oo ka yimid qaarkooda dhanka xeebta Liido.

Qarax labaad oo dowladda ay sheegtay inay fashilisay ayaa sidoo kale isla xilligaasi ka dhacay nawaaxiga Dhagar-Tuur, kaasi oo raggii Gaariga la socday ay Ciidamada toogteen, iyagoo ku lebisan Dareeska Booliska Soomaaliya.

Weerarka oo geestay khasaaro naf iyo maal leh ayaa waxaa uu dhacay maalin kadib markii Taliyeyaal loo magacaabay NISA iyo Booliska, iyadoo aan Muqdisho ka dhacin weerar kanoo kale kahor magacaabista Taliye-yaasha cusub.

Wasaaradda Amniga Soomaaliya ayaa sheegtay inay baarayso qaabkii uu gacanta ugu galay Al shabaab Dareeska Booliska iyo Agab kale, sida Raadiyaha Gacanka ee Ciidamada kuwada xiriirraan oo ay isticmaalayeen raggii weerarka fuliyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar, Turkiga iyo Jabuuti oo Cambaareeyay Aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar ayaa lagu sheegay in Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Badr Abdelatty.

  • Soomaliya

    26-12-2025

  • 08:14PM

Mareykanka oo duqeyn ka fuliyay waqooyi-galbeed Nigeria, lana beegsaday maleeshiyaad la xiriira Daacish

Sida ay sheegeen ilo militari oo Mareykan ah, weerarka waxaa loo adeegsaday gantaallo…

  • Soomaliya

    26-12-2025

  • 12:06PM