Xubno katirsan Shabaab oo lagu qabtay Hiiraan

Image

BALADWEYNE, Hiiraan- Guddoomiyaha gobolka Hiiraan, ayaa shaaca ka qaaday inay qabteen xubno katirsan ururka Al Shabaab kuwaasoo uu sheegay inay dilal ka gaysteen gudaha maamulkaas islamarkaana horay uga baxsadeen gacanta dowladda.

Cali Jayte Cismaan, ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in raggan gacanta lagu soo dhigay kadib baaritaan xooggan oo ay ka sameeyeen gobolka, isagoo intaas ku daray inay jiraan rag kale oo baadi goobkooda lagu jiro.

Jayte oo aan faah faahin ka bixin xilliga raggan la qabtay iyo goobta lagu qabtay, ayaa xusay inay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah ururka Al Shabaab, isagoo xusay inay hadda ku mashquulsanyihiin sidii loo qaban lahaa qaar kale oo baxsad ah.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan oo sii hadlayay, wuxuu xusay in ka maamul ahaan ay ka shaqayn doonaan sidii deegaanada hoos taga maamulkiisa looga saari lahaa ururkan oo uu sheegay inuu dhibaato badan ku hayo shacabka.

Shacabka qaybihiisa kala duwan ayuu u diray fariin ku aadan inay ka qayb qaataan dedaalka ay wadaan ee ku aadan in Shabaab laga saaro Hiiraan, taasoo uu xusay inay ku imaan karto isku duubni.

Hadalka Cali Jayte, ayaa ku soo beegmay xilli habeen hore magaalada Baladweyne lagu dilay wadaad caan ah oo mar soo noqday Guddoomiyaha degmada Buulo Burde kaasoo ay qudha ka jareen mallayshiyaad ku hubaysnaa Bastoolado oo loo malaynayo inay katirsanyihiin Al Shabaab.

Dhinaca kale, waxaa shalay dhacay Qarax ka dhashay miino dhulka lagu aasayay, taasoo uu ku geeriyooday ruuxii xirayay Bamkaas.

Amniga gobolka Hiiraan oo muddooyinkii dambe deganaa ayaa kusoo badanaya weerarada Kooxda Al Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Kordhisay Doorkeeda Geeska Afrika, Kulanka Madaxweyne Xasan Sheekh ee Qaahira

Kulankan ayaa imanaya kaddib booqashooyinkii dhawaan ee Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan.

  • Soomaliya

    08-02-2026

  • 07:14PM

Xasan Sheekh iyo Al-Sisi oo ku heshiiyay difaaca midnimada Soomaaliya, kana horyimid aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Dhankiisa, Madaxweyne Al-Sisi ayaa carrabka ku adkeeyay in Masar ay si buuxda u ixtiraamayso madaxbannaanida.

  • Soomaliya

    08-02-2026

  • 06:20PM