Xujeyda oo qarka u saaran inay ka baaqdaan Xajka [Akhri Sababta]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xildhibaan Maxamed Cumar [Dalxa] oo kamid ah Xubnaha Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa ka hadlay caqabadaha ka taagan arrimaha xajka.

Dalxa ayaa sheegay in Xujeyda Soomaaliyeed ay sanadkan qarka u saaran yihiin inay ka baaqdaan gudashada acmaasha Xajka, ee loo aadayo dalka boqortooyada Sacuudiga.

Xilldhibaanka oo u waramay warbaahinta Maxaliga ah ee Muqdisho ayaa daboolka ka qaaday inay sababta ugu wayn ay tahay khilaaf ka taagan qiimaha iyo shuruucda shirkadaha diyaaradaha ee Xujeyda u qaada Sacuudiga.

"Hadii uu sii jiro khilaafka, waxaa dhalan kara 2 arrimood oo kala ah in Xujeyda Soomaalida ay sanadkan ka baaqdaan Xajka iyo in Sacuudiga mamnuuco diyaaradaha Xujeyda ka keenaya Soomaalida," ayuu yiri Dalxa.

Hadalka Dalxa ayaa imaanaya iyadoo dhawaan ay shuruuc kala duwan ay Wasaaradaha arrimaja awqaafta diinta dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada usoo dejiyeen arrimaha xajka iyo qiimaha lagau raaco diyaaradaha.

Dadweynaha ayaa mudooyinkii dambe laga dareemayay Guux ku aadan shirkadaha diyaaraha ee qaadeya Xujeyda, kadib markii cawasha laga muujiyay lacagta laga qaado dadka, oo ah mid aad u badan.

Xajka ayaa ah xilliga kaliya ay faa'idada ugu badan helaan Shirkadaha gaarka loo leeyahay ee diyaaradaha, kuwaasi oo 25-kii sano ee dalka uu burburka ku jiray aanay jirin dowladda ama nidaam lagu maamula.

Xajka ayaa kamid ah Tiirarka ugu waa weyn ee Islaamka, iyadoo uu EBBE ku waajib yeelay qofka Muslimka ah, gaara ahaan inta uu ALLE awood u siiyay inay tagaan Makka, oo soo xajiyaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM