Xukun lagu riday shaqsi qarax ku xiray sideed gaari gudaha Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Maxkamadda Ciidamadda Soomaaliya ayaa xabsi daa'in ah ku xukuntay Mustaf Maxamed Xuseen oo magaciisa af-garashadu yahay Abuu Cabdala, sidda ay warisay warbaahinta dowladda.

Mustaf ayaa loo haystaa Al-Shabaabnimo iyo in uu qarax nooca dhejiska ah ku xiray gaadiid. Weeraradaas waxay ka dhaceen Muqdisho.

Xasan Cali Nuur [Shuute], gudoomiyaha Maxkamadda oo xukunka ku dhawaaqay, ayaa sheegay in ay u cuskadeen qiraalkiisa iyo caddeymo ay kamid tahay muuqaal muujinaya isagoo qarax ku xiraya gaari.

Sidda laga soo xigtay baareyaasha, falka lagu soo qabtay ayaa ka dhacay nawaaxiga isgoyska Shaqaalaha sanadkii hore 2019-kii.

Abuu Cabadalla ayaa July, 2014-kii loosoo qabtay eedeyn lamid ah tan maanta loo xukumay, waxaana waqtigaas lagu ridday shan sano oo xabsi ah. Bishii April ee 2018-kii ayuuna dhameystay xukunkaas xabsiga.

Intii ay socotay dhageysiga kiiskiisa, Mustaf ayaa u sheegay maxkamadda in Al-Shabaab ay ugu hanjabtay dil hadii uu dib ula shaqeyn waayo. Balse, sheegashadaas waxaa ganafka ku dhuftay xeer-ilaalinta.

Garsooreyaasha ayaa laga soo xigtay in sababta xabsi daa'in loogu xukumay ay tahay in falalkii uu geystay mudadii uu Al-Shabaab la shaqeynayey aysan ka dhalan wax dhimasho ah, burbur maaliyadeed mooyee.

Tan iyo markii uu xabsiga ka baxay 2018-kii, Mustaf ayaa lagu eedeeyay in uu qarax ku dhejiyey sideed gaari oo caasimada ku qarxay.

Sikastaba ha ahaatee, Mustaf oo kasoo jeeda degaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Al-Shabaab kaga biiray degaanka Buur-dhuxule oo hoostaga gobolka Bakool kadib markii la xagjireeyay sanadkii 2010-kii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kenya oo cabsi amni darteed u diiday Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya inuu dalkeeda galo

Dowladda Kenya ayaa masaafurisay Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee Soomaaliya, Jibriil Cabdirashiid Xaaji.

  • Soomaliya

    29-06-2026

  • 07:56AM

Cali Guudlaawe oo ku Dhawaaqay inuu Yahay Musharrax, Isagoo sugaya Tikidhka Xisbiga JSP

Dhinaca kale, dadka dega gobolka Hiiraan ayaa qaba tabashooyin waaweyn oo ka dhanka ah maamulka Cali Guudlaawe.

  • Soomaliya

    28-06-2026

  • 12:11PM