Xukuumadda oo dab kusii shiday khilaafka metelaada gobolka Banaadir

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa dab kusii shiday khilaafka ka taagan xeerka metelaada gobolka Banaadir ee Golaha Shacabka dhowaan uu go'aanka la isku khilaafay kasoo saarey.

Xeerkan oo kamid ah afar kale oo madaxda dowladda federaalka iyo maamulada isku raaceen in ay si fool ka fool ah uga heshiiyaan balse Villa Soomaaliya fulin weyday ayaa 13 xubin oo Aqalka Sare ah siinaya gobolka.

Puntland iyo Jubaland oo sharci darro iyo mid aan dastuuri ahayn ku qeexay xeerarka ayaa ka digay cawaaqib ka imaan karta; sidoo kale xeerka wuxuu god mugdi ah ku riday shirkii lagu balansanaa xilli Puntland ka baaqsatay.

Ra'iisul Wasaare ku xigeenka, Mahdi Maxamed Guuleed [Khadar], ayaa u sacabo tumay xeerkaan lagu muransan yahay ee baarlmasan dastuurka ku meelgaarka ah, isagoo u mahadceliyey xubnaha Aqalka Hoose.

Wallow uusan si toos ah u carabaabin, Khadar oo ka hadlay xaflad lagu taageerayey go'aanka Golaha Shacabka oo xalay ka dhacday Muqdisho ayaa si dadban u weeraray madaxda maamul goboleedyadda.

"Ha aqbalina Baarlamaanoow markii aad saddex sano jirtaan kala taga [la idin yirahado], ha aqbalina in 10 Nin masiirka dadka matalaan, ha aqbalina in 10 Nin Sharci dejiye noqdaan, in 10 Nin siyaasadda dalka hoggaamiyaan, balse ogaada in waxa ugu dambeeya ee loo laabanayo ay yihiin Baarlamaanka," ayuu ka yiri xaflada oo ka dhacday Tiyaatarka Qaranka ee dib u dayactirka lagu sameeyay.

Ku simaha ra'iisul wasaaraha ayaa ku adkeystay in Muqdisho ay "mudan tahay" wax ka badan 13 xubin oo ay ku yeelato Senate-ka.

Hadalka Khadar oo aan tagi karin degaan doorashadiisa gobolada waqooyi ayaa xoojinaya tuhunka laga muujiyey in xeerkaan ay madaxda dowladda ku doonayaan muddo kororsi iyo dib u dhac doorasho.

Dhinacyadda naqdinaya xeerkan oo maamulada ay kamid yihiin ayaa iyagoo xiganaya dastuurka ku doodaya in marka hore loo baahnaa in la helo maqaamka Muqdisho kahor inta aan laga hadlin metelaadda.

Metelaadda gobolka Banaadir oo ahayd qadiyad soo taagneyd sanadihii lasoo dhaafay isla markaana lala sugayey jawi xal loogu heli karo ayay aalaba madaxda dowladda federaalka soo qaadan dhamaadka xil-heyntooda.

Sababta ugu weyn oo ay talaabadaas u qaadayaan ayaa lagu sheegay "si ay ugu galaan ololaha doorashadda iyo in ay ku kala qeybiyaan bulshadda", waxaana si weyn looga digay cawaaqibka xooggan ee ka dhalan kara ficiladaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Haweeney Lagu Xukumay 15 Sano ka Dib Ururinta $1.2 Milyan oo Al-Shabaab loogu Maalgaliyay

“Dhammaan dadka ku lugta leh falalkan halista ah waxaa la horkeeni doonaa sharciga si cadaaladda loo waafajiyo,” ayaa lagu yiri bayaanka xafiiska.

  • Soomaliya

    16-09-2025

  • 11:46AM

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Amiirka Qatar oo Kulan Muhiim ah Ku Yeeshay Doha

Xasan Sheekh ayaa Amiirka Qatar la wadaagay dareenka shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan garab-istaagga shacabka Qatar.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 12:24PM