Xukuumadda oo mamnuucdey shirarka khuseeya Soomaaliya lagu qabto dibadda

Image
Golaha Wasiiradda ayaa qaraarkan ku meelmariyay kulan uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Xamse.

MUQDISHO, Soomaaliya - Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa lagu ansixiyay magacaabista Golaha Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed oo ka kooban sagaal xubnood.

Xubanaha guddiga oo ay golaha u soo jeedisay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, ayaa kala ah;

1. C/raxmaan Maxamed Aadan (Koronto)
2. ⁠Maxamed Shiil Xasan Shiil
3. Muna Cumar Xasan
4. ⁠Yuusuf Xasan Mursal.
5. Axmed Maxamed Cabdi⁠
6. Maxamed Cabdullaahi Kooshin⁠
7. Hinda Daahir Jaamac
8. ⁠Cabdulqaadir Cusmaan Cabdisalaan
9. ⁠Fatuma Yuusuf Saciid

Xukuumadda oo mamnuucdey shirarka khuseeya Soomaaliya lagu qabto dibaddaoo ku saabsan ilaalinta laba jeer canshuuridda iyo ka hortagga la-baxsashada canshuuraha.

Golaha ayaa joojiyey shirarka khuseeya Hey’adaha Dowladda ee lagu qabto meel ka baxsan dalka, maadaama uu dalkeenu soo kabtay amni ahaan iyo horumar ahaanba, isla markaana aysan jirin baahi keenaysa in dalal shisheeye lagu qabto shirarka looga hadlaayo Soomaaliya, kadib soo jeedinta Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha

Shirka Golaha Wasiirrada oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha XJFS Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno la xariira amniga guud ee dalka, iyada oo goluhu xusay mudnaanta ay leedahay in ay si dhow u wada shaqeeyaan hey’adaha amniga iyo shacabka Soomaaliyeed, si looga hortago dhagaraha cadowga xilligaan lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Golaha Shacabka Oo Ansixiyay Hindise Sharciyeedka Macdanta Soomaaliya

Qeybsiga iyo maamulka Khayraadka dalka ayaa ah mid wali aan heshiis lagu ahayn, oo dowladda iyo Maamulada Federaalka.

  • Soomaliya

    24-01-2026

  • 09:32AM

Weeraro ka dhici lahaa Muqdisho oo laga hortagay

NISA waxay sheegtay in dadka la xiray loo gudbin doono hay’adaha garsoorka si loo marsiiyo sharciga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

  • Soomaliya

    24-01-2026

  • 09:19AM