Xukuumadda Soomaaliya iyo Ahlu Sunna oo heshiis cusub gaarey

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in heshiis laga gaarey khilaafkii kala dhaxeeyay hogaanka Ahlu Sunna ee ku saabsanaa doorashada Galmudug.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa shaacisay in laysku raacay in Ahlu Sunna 20-xubnood ay ku yeelato baarlamaanka cusub ee Galmudug.

Tiradda guud ee Golaha Wakiiladda maamul goboleedkaas ayaa ah 89-mudaneyaal. Qoondada Ahlu Sunna ee baarlamaanka cusub waxay xudun u ahayd khilaafka.

Sidda laga soo xigtay warka qoraalka ah, dowladda ayaa uga mahadcelineysa hogaanka Ahlu Sunna "tanaasulka" uu muujiyey.

"Sidoo kale, waxaan u mahad-celineynaa Beesha Caalamka oo gacan ka geysatay in wada-hadaladu mira dhal kusoo dhamaadaan," ayaa lagu soo gabagabeeyay qoraalka oo uu arkay Garowe Online.

Doorashooyinka madaxtooyadda iyo baarlamaanka Galmudug ayaa lagu wadday in ay bishaan December ku qabsoomaan Dhuusamareeb, balse waxaa dib loogu dhigay wada-xaajoodyadda soo idlaadey.

Guddiga doorashooyinka ayaa waxaa la filayaa in ay soo saaraan jadwal cusub oo xeerinaya habraaca, diiwaangelinta murashaxiinta, waqtiga hadal-jeedinta iyo xiligga doorashooyinka dhacayaan.

Dhinaca kale, war qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska Madaxa xukuumadda Galmudug Sheekh Shaakir Cali Xasan ayaa lagu xaqiijiyey heshiiska, wuxuuna sheegay in ay u tanaasuleen "danta shacabka".

HESHIISKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muqdisho oo laga dejiyay qalab milatari oo ka yimid Israa'iil

Sida ay sheegayaan isla ilo wareedyadaas, shixnadda waxaa lagu wareejiyay xafiis Qaramada Midoobay ku leeyahay Muqdisho.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 01:49PM

Mareykanka oo ballanqaaday inuu Soomaaliya ka taageerayo dagaalka argagixisada iyo musuq-maasuqa

Mareykanku wuxuu garab taagan yahay shacabka Soomaaliyeed dagaalka ay kula jiraan argagixisada, musuq-maasuqa.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 11:58AM