Xuseen Sheekh Maxamuud oo loo magacaabay lataliye sarre

Image
Jagadan cusub waa Lataliyihiisa Arrimaha Dastuurka ee madaxweynaha dowladda Soomaaliya.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xuseen Sheekh Maxamuud u magacaabay Lataliyihiisa Arrimaha Dastuurka "oo ka mid ah arrimaha hortabinta u leh dowladnimada Soomaaliya," sidda ay warisay Villa Soomaaliya.

Xuseen oo kamid ahaa murashaxiinta madaxtinimada Koonfur Galbeed ayaa bishii August waxa uu iska-casilay xilka Agaasimaha Madaxtooyadda oo uu hayay tan iyo bishii May, 2022.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA MAGACAABIDA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Mudane Xuseen Sheekh Maxamuud in uu noqdo Lataliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dastuurka oo ka mid ah arrimaha hortabinta u leh dowladnimada Soomaaliya.

Dr. Xuseen Sheekh Maxamuud oo ku takhasusay horumarinta dowladnimada iyo nabadda ayaa ka soo mid noqday Aqalka Sare ee Baarlamaanka dalka, isagoo sidoo kale Xoghaye Guud u soo noqday Guddiga Dhameystirka Dib u Eegista Dastuurka ee Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo muujiyey mudnaanta uu siinayo dhammeystirka dastuurka dalkeenna ayaa kula dardaarmay Lataliyaha cusub ee Arrimaha Dastuurka Xuseen Sheekh Maxamuud in uu ku biiriyo aqoontiisa iyo waayo aragnimadiisa, qorshaha qaran ee qabyo-tirka dastuurka.


GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM