Yaa ka dambeeya Go'aankii Xeer Ilaaliyaha Soomaaliya?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xildhibaan Cabdi Saabir Nuur Shuuriye ayaa ka hadlay go'aankii Xeer Ilaaliyaha Qaranka Axmed Cali Daahir, kaasi oo ku baaqay in isaga iyo Xildhibaan kale xasaanada laga qaado.

Xasan Maclin Maxamuud iyo Saabir ayaa waxa uu Xeer Ilaaliyaha ku eedeeyay inay qiyaanno qaran sameeyeen, islamarkaana ay abaabul ka dhan ah Xukuumadda kawadeen magaalada Muqdisho.

Xildhibaan Cabdi Saabir oo hadda ku sugan dalka Imaaraadka, ayaa ku tilmaamay go'aankii Axmed Cali Daahir mid sharci darro ah, isagoo ku eedeeyay Madaxtooyada Villa Soomaaliya inay ka dambayso tallaabadan.

"hadalka Xeerilaaliyaha waxaa ka dambeeya Xafiiska Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha oo doonaysa inay ku casbi geliyaan Xildhibaanada dhaliilsan shaqada Xukuumadda," ayuu yiri Xildhibaan Cabdi Saabir

Xildhibaanka oo ku heeb ah Gudoomiye ku xigeenka kowaad ee Gollaha Aqalka Sare Abshir Bukhaari, lagana soo doortay Galmudug ayaa gaashaanka u daruuray go'aanka kasoo baxay Xeer Ilaaliyaha qaranka.

Cabdi Saabir wuxuu beeniyay in lagu sameeyay baaritaan, isagoo been abuur ku tilmaamay hadalka Axmed Cali Daahir oo uu sheegay inuu yahay mid aan isaga kasoo bixin, oo laga soo gaaray Villa Soomaaliya.

"Xeer Ilaaliyaha waa la isticmaalay oo isaga go'aanka ma uusan gaarin, Madaxtooyadda oo dagaal iyo caburin ku haysa Xildhibaanada Gollaha Shacabka ayaa ka dambaysa," ayuu raaciyay hadlkiisa Xildhibaanka.

Axmed Cali Daahir ayaa ku eedeeyay labada Xildhibaan inay dhaqaale kasoo qaateen dalal shisheeye si ay u dumiyaan Xukuumadda uu hogaamiyo Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

Xeer Ilaaliyaha kuma uusan soo darin liiska Xildhibaanada, Mahad Salaad, Axmed Maclin Fiqi iyo kuwa kale oo looga bartay dhaliisha joogtada ee Xukuumadda iyo Madaxweyne Farmaajo, marka laga soo tago Labadan Xildhibaan oo aan loo aqoon.

Xukuumadda Khayre ayaa ka shaqeynaysa sidii ay uga hortagi lahayd mooshin kusoo wajahan, oo ay Xildhibaano iyo Siyaasiyiin wadaan, kaasi oo la doonayo in Gollaha Shacabka loo gudbiyo marka uu furmo kalfadhiga 3aad bisha Febuary. Halkan ka akhri.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM