Yaa ka dambeeyey Siideynta Qalbi-Dhagax? [WAREYSI]

Image

ADDIS ABABA - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya sii deynta Cabdikariim Sheekh Muuse [Qalbi Dhagax], oo katirsan Jabhadda ONLF, kaasi oo mudo ku dhaw hal sano ku jiray xabsi ku yaalla magaalada Addis Ababa.

Qalbi Dhagax, oo dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya u gacan gelisay Ethiopia bishii August 2017, ayaa maanta oo khamiis ah [28-ka June] dib u helay xorriyadiisa, kadib markii uu isbedel ka dhacay dalkaasi.

Waxaa baraha bulshada lasoo dhigay sawirrada isagoo si xor ah u jooga Addis Ababa, iyadoo aysan jirin illaa hadda wax hadal ah oo uu Qalbi Dhagax siiyay Warbaahinta gudaha iyo dibadda Ethiopia.

Suldaan Fowzi Maxamed oo Gurigiisa la geeyay Qalbi Dhagax ayaa sheegay in  shuruud la'aan lagu soo daayay sarkaalkaan ka tirsanaa ONLF, isagoo intaasi ku daray in wax dhib ah loo geysan intii uu xirnaa.

Mar wax laga waydiiyay cida ka dambeysa sii deynta Qalbi Dhagax, ayaa Suldaan Fowzi wuxuu ku wajaabey in amar kasoo baxay Ra'iisul Wasaaraha cusub ee dalka Ethiopia Abiy Axmed lagu sii daayay.

Suldaan Fowzi Maxamed Cali ayaa si kukul u beeniyay wararka sheegaya in dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay ka dambeysay siideyntiisa Qalbi Dhagax, oo iyadu horey ugu gacan-gelisay Ethiopia.

Wuxuu sheegay in sii deyntiisa ay ka dambeeyeen Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed, Odayaasha Beeshiisa, Siyaasiyiin iyo Hay'adaha xuquuqda aadanaha ee dalkaasi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM