Yaa sanadkan Soomaaliya uga qeybgalaya Shirka Qaramada Midoobay?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa u duulay dalka Mareykanka, oo ugu qeybgali doono Shirka Guud ee Qaramada Midoobey, oo 18-ka bishan ka furmaya 18-ka bishan, oo berri ku beegan.

Meertada 78aad ee Shirka sanadlaha UN-ka, ayaa waxa uu socon doonaa mudo 4 maalin ah, 18-2022 September, waxaana la filayaa in Raiisul Wasaaraha ka jeediyo khudbad uu uga hadli doono xaalada Soomaaliya, gaar ahaan dagaalka Al-Shabaab, bini'aadanimada iyo dowlad-dhiska.

Sidoo kale, waxaa la filayaa inuu ka hadlo ka bixitaanka Ciidanka ATMIS iyo diyaargarowga dowladda inay la wareegto mas'uuliyadda amniga dalka, oo mudo ku jiray gacanta Ciidanka Midowga Afrika, oo UN-ka taageero.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka baaqday shirka, maadaama uu ku sugan yahay jiida-hore ee dagaalka, isagoo halgan ugu jira inuu ka adkaado Al-Shabaab, kana dhabeeyo balan-qaadkiisa inuu sanadkan ka dhigo Soomaaliya meel ka caagan argagaxisadda.

Hogaamiyayaasha dunidu waxay isugu iman doonaan New York furitaanka kalfadhiga 78-aad ee Golaha Guud (UNGA 78) iyadoo halku-dhiggiisu yahay, “Dib u dhiska kalsoonida iyo dib u soo celinta midnimada caalamiga ah: Dardar gelinta hawlaha Ajendaha 2030 iyo Yoolalka Horumarineed ee Joogtada ah ee dhinaca nabadda, barwaaqada, horumarka iyo waaritaanka dadka oo dhan.”

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM