Yariisow oo Mas'uuliyiin xilalka ka qaadey xilli lagu eedeeyay wax-qabad la'aan

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Gudoomiyaha gobolka Banaadir, Eng Yariisow ayaa Isbedel ku sameeyay maamulka degmada Howlwadaag, isagoo xilkii ka qaadey gudoomiyihii hore, mid cusubna u magacaabey.

Wareegto uu soo saarey Yariisow, ayaa shaqada looga eryay gudoomiyihii degmada Howlwadaag, Cabdikariin Cali Kaar, isagoo lagu bedelay nin lagu magacaabo Mahad Cabdi Caraalle, oo ahaa shaqaale katirsanaa xafiiska duqa Muqdisho.

Warar hoose oo uu helay Warsidaha Garowe Online ayaa sheegaya in magacaabistan loo magacaabey Mahad Cabdi Caraalle gudoomiyaha degmada Howlwadaag uu kaalin weyn ku leeyahay Xildhibaan Mustaf Dhuxulow, oo kamid ah ragga saameynta ku leh siyaasadda Xukuumadda Khayre.

Duqa Muqdisho, Eng Yariisow oo uu Xildhibaan Fiqi ku eedeeyay inuu ka gaabiyay mas'uuliyadiisa, iyadoo ay densan yihiin dhamaan dhalalkii cad-cadeeda ku shaqeynayay ee ku xiran wadooyinka, taasoo ay dheertahay in jidadka magaalada noqdeen kuwa biyo fariista xilliyada roobka. [Halkan ka akhri warbixinta].

Duqa Muqdisho oo xafiiska ku yimid 2017 qaab magacaabis ah, oo aaney shacabka caasimadda soo dooran ayaa waxaa uu dhawaan xilalkii ka qaadey, islamarkaana isbedello ku sameeyay Gudoomiye-yaashii degmooyinka Deyniile, Shangaani iyo Waaberi.

Xil ka qaadista uu ku sameynayo Eng Yariisow gudoomiye-yaasha degmooyinka ayaa noqday kuwa Bille ah, oo iska socda xilli aaney jirin adeeg bulsho oo shacabka magaalada maamulkiisa u qabto, hadii ay ahaan lahayd amniga, nadaafadda, caafimaadka iyo waxbarashada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM oo Xasan Sheekh la wadaagtay istaraatijiyadda cusub ee dagaalka Al-Shabaab

Gen. Anderson ayaa Madaxweynaha la wadaagay istaraatijiyadda cusub ee AFRICOM ee la dagaallanka Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    04-09-2025

  • 01:14PM

Xasan Sheekh oo lagu eedeeyay inuu Ciidanka Qaranka u adeegsanayo caburinta mucaaradka

Si kastaba, Garowe Online si madax bannaan uma xaqiijin karto tirada ciidamada la sheegay in la geeyay Muqdisho.

  • Soomaliya

    03-09-2025

  • 01:36PM