Yariisow oo Mas'uuliyiin xilalka ka qaadey xilli lagu eedeeyay wax-qabad la'aan

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Gudoomiyaha gobolka Banaadir, Eng Yariisow ayaa Isbedel ku sameeyay maamulka degmada Howlwadaag, isagoo xilkii ka qaadey gudoomiyihii hore, mid cusubna u magacaabey.

Wareegto uu soo saarey Yariisow, ayaa shaqada looga eryay gudoomiyihii degmada Howlwadaag, Cabdikariin Cali Kaar, isagoo lagu bedelay nin lagu magacaabo Mahad Cabdi Caraalle, oo ahaa shaqaale katirsanaa xafiiska duqa Muqdisho.

Warar hoose oo uu helay Warsidaha Garowe Online ayaa sheegaya in magacaabistan loo magacaabey Mahad Cabdi Caraalle gudoomiyaha degmada Howlwadaag uu kaalin weyn ku leeyahay Xildhibaan Mustaf Dhuxulow, oo kamid ah ragga saameynta ku leh siyaasadda Xukuumadda Khayre.

Duqa Muqdisho, Eng Yariisow oo uu Xildhibaan Fiqi ku eedeeyay inuu ka gaabiyay mas'uuliyadiisa, iyadoo ay densan yihiin dhamaan dhalalkii cad-cadeeda ku shaqeynayay ee ku xiran wadooyinka, taasoo ay dheertahay in jidadka magaalada noqdeen kuwa biyo fariista xilliyada roobka. [Halkan ka akhri warbixinta].

Duqa Muqdisho oo xafiiska ku yimid 2017 qaab magacaabis ah, oo aaney shacabka caasimadda soo dooran ayaa waxaa uu dhawaan xilalkii ka qaadey, islamarkaana isbedello ku sameeyay Gudoomiye-yaashii degmooyinka Deyniile, Shangaani iyo Waaberi.

Xil ka qaadista uu ku sameynayo Eng Yariisow gudoomiye-yaasha degmooyinka ayaa noqday kuwa Bille ah, oo iska socda xilli aaney jirin adeeg bulsho oo shacabka magaalada maamulkiisa u qabto, hadii ay ahaan lahayd amniga, nadaafadda, caafimaadka iyo waxbarashada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM