Saddex sabab oo Soomaaliya ugu dhawaaqi karin macluul

Image
Hay'adaha gargaarka ayaa lagu waramay in ay ku cadaadinayaan dowladda in ay iclaamiso "xaalad gaajo ah".

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa muddo bilooyin ah ka warwareegeysa in ay ku dhawaaqdo in dalka uu wajahayo macluul, sida ay warisay Majaladda New York Times oo wareysiyo la yeelatay saraakiil ka tirsan dowladda, shaqaalaha gargaarka iyo falanqeeyayaasha aqoonta u leh doodaha dowladda gudaha.

Ku dhawaaqida noocan oo kale ah, sidda ay aaminsan yihiin shaqaalaha gargaarku, waxay sababi kartaa in gargaar aad u badan ay yimaadaan - sidii dhacday abaartii 2011 - ayna soo jiideyso dareenka deeq-bixiyeyaasha reer galbeedka kuwaas oo hadda aad diiradda u saaraya ka jawaabista dagaalka ka socda Ukraine.

Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo xilka la wareegtay bishii May, ayaa ka biyo diidan in ay talaabadan qaado sababo kala duwan, sidda ku xusan warbixinta.

Ugu horeyn, dowladda curdunka ah ayaa ka cabsi qabta in go'aankan uu wiiqo neecawda ay ku naalooneyso ee dagaalka ka dhanka ah Al Shabab kaasoo dadka degaanka ay kaalin weyn ku leeyihiin.

Tan labaad, Dowladda Soomaaliya waxa ay sidoo kale ka walaacsan tahay in go'aankan uu sababo in dadka ka qaxaan meelaha ay dhibaatadu saameysey ayna soo galaan magaalooyinka waaweyn.

Cagajiid mise caddeymo la'aan?

Tan saddexaad, dowladda ayaa ka cabsi qabta in go'aanka uu maal-gashadayaasha ka weeciyo in ay dhaqaale ku bixiyaan mashaariicda mustaqbalka fog lagu maalgeliyo barnaamijyada daryeelka caafimaadka, waxbarashada iyo u adkaysiga cimilada.

C/raxmaan C/shakuur oo ah wakiilka madaxweynaha ee arrimaha abaaraha ayaa qiray in hay’adaha samafalka ay dowladda ku riixayeen in ay ku dhawaaqdo macaluul balse waxa uu beeniyay in dowladdu ay ka caga jiideyso arrintaasi.

Waxa uu sheegay in aanay jirin cadaymo la taaban karo oo tusinaya in dalka gaarey heerka macluusha. Waxa uu sidoo kale xusay in wadamada qaniga ah looga baahan yahay in ay ka dhabeeyaan balan qaadkooda ah in ay caawiyaan dowladaha faqiirka ah sida Soomaaliya oo kale si ay wax uga qabtaan dhibaatooyinka ka jira cimilada.

"Arrintu ma ahan in la bixiyo sadaqo ama wax la siiyo Soomaaliya," ayuu yiri Cabdishakuur oo socdaal ku marayay caasimadaha reer galbeedka si uu xaaladda ugu baraarujiyo. "Sidoo kale waxay ku saabsan tahay caddaaladda."

Xaaladda degdegga ah ee gaajada kuma koobna Soomaaliya oo ay ku nool yihiin 16 milyan, balse waxaa lagu qiyaasaa 37 milyan oo qof oo ku nool Geeska Afrika. Mid ka mid ah sababaha ugu waaweyn ee dhibaatadan keenay waa isbedelka cimilada, kaas oo diiradda lagu saarayo shirka cimilada ee loo yaqaan COP27 kana bilowday dalka Carbeed ee Masar.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Olole loogu magacdaray 'Garowe nadiif ah" oo bilowday

Ololaha nadiifinta magaalada oo ay ka qeybgalayaan 5,000 oo qof oo ka kala yimi xaafadaha caasimada Puntland.

  • Wareysiyo

    15-12-2022

  • 09:14AM

Meel kasta meyd: Goobjoogeyaal iyo xasuuqii Soobe

Weerarkan ayaa dhacay xilli madaxda ugu sareysa dalka ay ka shirayeen ciribtirka xagjirnimadda.

  • Wareysiyo

    30-10-2022

  • 03:27AM