Ciidanka Gaarka ah ee Danab oo Weerarro Cusub ka Bilaabay Koonfurta Soomaaliya

Image

MUQDISHO - Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab ayaa bilaabay howlgal culus oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kaasoo ka socda deegaannada ku dhow Leego ee Koonfurta Soomaaliya. Howlgalkan ayaa lagu bartilmaameedsanayaa xarumaha istiraatiijiga ah ee ay kooxdaasi ku dhuumaaleysaneyso.

Gobollada Shabeellaha Hoose iyo Jubada Dhexe ayaa si weyn u saameeyay weerarrada Al-Shabaab, kuwaas oo sababay dhimashada kumannaan rayid ah, saraakiil amni iyo masuuliyiin dowladeed oo sare.

Ujeeddada ugu weyn ee howlgalkan ayaa ah in la sugo jidadka sahayda isku xira gobollada Shabeellaha Hoose iyo Baay, kuwaas oo Al-Shabaab si qarsoodi ah uga faa’iideysan jiray. Kooxdu waxay si weyn u carqaladeysay gaarsiinta sahayda cuntada iyo adeegyadii kale ee muhiimka ahaa.

Sida ay sheegeen saraakiisha milateriga, howlgalka waxaa ka mid ah baaritaanka gawaarida iyo hubinta wadooyinka si loo joojiyo dhaqdhaqaaqa kooxaha argagixisada loogana furo shacabka iyo hay’adaha gargaarka marin ammaan ah.

Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sheegtay in dowladdu ay garab taagan tahay ciidamada ku howlan sugidda ammaanka, isla markaana tallaabooyinkan muhiimka ah ay kaalin weyn ka qaadan doonaan sidii dalka looga cirib tiri lahaa kooxaha xagjirka ah.

“Ficilladan waxay muujinayaan go’aanka adag ee ciidamadeennu u leeyihiin in ay dib u qabsadaan ammaanka shacabka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay wasaaradda Jimcihii.

Dagaallo kale ayaa ka socda bartamaha iyo koonfurta dalka, halkaas oo Al-Shabaab wali gacanta ku hayso deegaano badan. Kooxdu waxay isku dayeysaa inay dib u soo ceshato meelo muhiim ah sida Adan Yabaal, Moqokori iyo Mahas.

Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ayaa ballan qaaday inay taageeri doonaan ciidamada dowladda ee jiidaha hore la daalaa-dhacaya. Ciidanka Danab ayaa waxaa si gaar ah u tababaray Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), taasoo qayb ka ah taageerada Mareykanka ee la dagaallanka argagixisada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo Xasan Sheekh uga Digay inuu sameeyo Muddo Kororsi sharci-darro ah

Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo muran siyaasadeed uu ka taagan yahay marxaladda kala guurka ah iyo sida loo wajahayo doorashooyinka soo socda ee dalka.

  • Soomaliya

    01-09-2025

  • 11:43AM

Masar oo qaadey Tallaabo Itoobiya ka digtay inay saameyn ku yeelato amniga Soomaaliya

Ciidamada Masar oo bedelaya kuwa Burundi, ayaa qeyb ka noqon doona dadaallada AUSSOM ee la dagaallanka Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    01-09-2025

  • 07:54AM