Algeria oo hawadeeda ka xiratay duulimaadyada Morocco

Image
Talaabadan ayaa kusoo aadeysa xilli khilaafka labada waddan uu xoogeystay.

RABAT, Algeria - Aljeeriya ayaa hawadeedda ka mamnuucdey diyaaradaha rayidka iyo militariga ee Morocco, sida ay wakaalada wararka AFP kasoo xigatay madaxtooyada waddankaas.

Xukuumada Algiers waxay bishii horey goysay xiriirkii diblumaasi ee Rabar iyada oo ku eedeysay "talaabooyin cadaawad ah" balse Moroco way diidey sheegashadaas.

Illaa hadda, ma jirto jawaab rasmi ah oo Morocco kasoo baxdey. Isku dayo wakaaladda wararka Reuters ay u sameysay si ay ula hadasho boqortooyadda ayaan guuleysan.

Ilo ka tirsan Royal Air Maroc ayaa sheegay in xiritaanka uu saameyn doono kaliya 15 duulimaad oo toddobaadle ah oo isku xira Morocco iyo Tunisia, Turkiga iyo Masar.

Macluumaadyadda ayaa ku tilmaamay xiritaanka "mid aan qiimo lahayn" waxayna tibaaxeen in duullimaadyada ay dulmari karaan badda Mediterranean-ka.

Cilaaqaadka wadamadan deriska ah ayaa wuxuu ahaa mid aad u liitay tobannaankii sano ee la soo dhaafay, waxaana xudun u ah muranka Saxaraha Galbeed.

Morocco ayaa waxay u aragtaa dhulkaas qeyb kamid ah boqortooyadda, balse Aljeeriya waxay taageertaa dhaqdhaqaaqa Polisario ee doonaya madax-bannaanidda aggaas la isku hayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa’iil oo Danjire u Magacawday Somaliland

Magacaabista Michael Lotem ayaa loo arkaa mid xoojinaysa xiriirka cusub ee dhex maray Israa’iil iyo Somaliland.

  • Afrika

    15-04-2026

  • 07:56PM

Taliyaha Ciidanka Uganda oo dalbaday "Gabadha ugu quruxda badan Turkiga" iyo $1 Bilyan oo dollar

Marka laga soo tago dalabkaas dhanka guurka ah, Jeneraalka ayaa sidoo kale dalbaday lacag dhan $1 bilyan oo dollar.

  • Afrika

    12-04-2026

  • 11:30AM