Amar lagu soo rogay dugsiyada Sudan rooti la'aan awadeed

Image
Amarkan oo la soo saaray Isniintii todobaadkan ayaa si dhaqso ah u dhaqan galaya.

KHARTUUM, Sudan - Mas'uuliyiinta waxbarashada ee caasimadda Suudaan ayaa dhimay saacadaha shaqada waxayna yareeyeen tirada casharrada maalintii sababo la xirira roodhida la'aan baahsan oo soo cusboonaatey.

Agaasimaha Waxbarashada Aasaasiga ah ee Gobolka Khartuum ayaa Arbacada maanta ah wuxuu daaha k rogay in dhimista ay sii socon doonto ilaa xaaladdu ka hagaagto.

"Xaaladda uu dalku ku sugan yahay iyo roodhida oo yaraatay awgeed, waxaa la go’aamiyay in shaqada dugsiyadu ay ahaato saacadaha subaxnimo laga bilaabo 7:30 subaxnimo illaa 11:00 am, tirada casharraduna aysan ka badnaan afar xiiso maalinti," ayuu yiri Hamaza Ahmed Mohamed al-Fahal.

Amarkan oo la soo saaray Isniintii ayaa si dhaqso ah u dhaqan galaya. BBC-du waxay ogaatay in roodhiyada Khartoum laga yaabo inay ka dhammaadaan daqiiqda qamadiga toddobada maalmood ee soo socda.

Hoos-u-dhaca rootiga la fahansan yahay in ay sababtay mudaaharaadyo ka dhacay bariga Suudaan, kuwaasoo xayiray waddooyinka, kuna qasbay in ay xirmaan dekedaha Badda Cas toddobaadyadii la soo dhaafay.

Xubno ka tirsan beesha Beja ayaa ka cabanaysay wax ay ku sheegeen in ay tahay "faquuqid siyaasadeed iyo duruufo dhaqaale oo liita". Xukuumadda ayay cod dheer kaga codsadeen in ay ka caawiso hagaajinta xaaladooda.

Rootiga ayaa kamid ah cunooyinka muhiimka ah ee Suudaan. Hoos-u-dhaca wax soo saarka oo lala xiriirinayo dhaqaalo la'aanta dalkaas ka jirta waxay horey sabab ugu noqotay riditaanka xukuumaddii Cumar Al Bashiir.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa’iil oo Danjire u Magacawday Somaliland

Magacaabista Michael Lotem ayaa loo arkaa mid xoojinaysa xiriirka cusub ee dhex maray Israa’iil iyo Somaliland.

  • Afrika

    15-04-2026

  • 07:56PM

Taliyaha Ciidanka Uganda oo dalbaday "Gabadha ugu quruxda badan Turkiga" iyo $1 Bilyan oo dollar

Marka laga soo tago dalabkaas dhanka guurka ah, Jeneraalka ayaa sidoo kale dalbaday lacag dhan $1 bilyan oo dollar.

  • Afrika

    12-04-2026

  • 11:30AM