Baaritaan lagu bilaabay diyaarad "u hanjabtey" rakaabkii saarnaa

Image
Shirkadda Lufthansa Airlines ayaa markii dambe waxay raaligelin ka bixisay "xadgudubkan".

ABUJA, Nigeria - Hay’adda Duulimaadyada Rayidka ah ee Nigeria ayaa bilowday baaritaanno la xiriira xadgudubka lagu eedeeyay shirkadda diyaaradaha ee Jarmalka ee Lufthansa Airlines.

Warbaahinta maxalliga ah ayaa sheegtay in diyaarada ay Jimcihii la soo dhaafay uu ku hanjabtay in ay u yeereyso booliiska ka dib markii rakaabka, oo duulimaadkoodii dib loo dhigay, ay codsadeen khidmad u helida joogitaankooda.

Duulimaadka oo ka soo kicitimay Frankfurt kuna sii jeeday Lagos oo la doonayay in ay ku timaado garoonka caalamiga ah ee Murtala Muhammed ayaa lagu soo waramayaa in uu dib u dhac ku yimid kadib markii ay u weecday magaalada Cotonou ee dalka Benin iyo Malabo ee dalka Equatorial Guinea.

Lufthansa ayaa raaligelin ka bixisay daahitaanka duulimaadka kadib wareegto ay u dirtay rakaabkeeda Jimcihii la soo dhaafay. Rakaabku waxay ku doodeen in gegida diyaaradaha ee Lagos aan la xidhin, taasoo lid ku ah sheegashadii duuliyaha Lufthansa.

Diyaaraddan ayaa waxaa saarnaa 200 ruux kuwaasoo qaar badan oo kamid ah ay gudbiyeen cabasho ay ku dalbanayaan in baaritaan lagu sameeyay kiiskan, sidda booliska uu sheegay.

Sam Adurogboye, oo ah sarkaalka arrimaha bulshada ee NCAA, ayaa Khamiistii sheegay in mas'uuliyiinta ay bilaabeen baaritaanka arrintan ka dib markii ay cabashooyin ka heleen rakaabka.

Afhayeen u hadlay shirkadda ayaa BBC u sheegay in ay baarayaan sida ay wax u dhaceen. Hase ahaatee, waxa uu ka gaabsadey in uu kala caddeeyo mowqifkooda natiijadda baaritaanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

DR Congo: Xeer Ilaaliyaha Guud oo Dalbaday in dil lagu xukumo Madaxweyne Hore Joseph Kabila

Kabila ayaa bishii May laga qaaday xasaanaddii uu ku lahaa golaha sare ee dalka, isagoo ahaa senator noloshiisa.

  • Afrika

    23-08-2025

  • 01:24PM

Japan oo kusoo biirtay Loolanka Mareykanka iyo Shiinaha ee Khayraadka Afrika

Ra’iisul Wasaare Ishiba ayaa la filayaa inuu ku dhawaaqo qaab-dhismeed cusub oo iskaashi ah oo u dhexeeya Indo-Pacific iyo Afrika.

  • Afrika

    21-08-2025

  • 07:09AM