Burkina Faso oo muddo bil ah u qabatay ciidanka Faransiiska

Image
Labadan dal uu xiriirkoodu sii xumaanayay bilooyinkii dambe ayaa soo afjaraya heshiis jiray tan iyo 2018-kii.

NAIROBI, Kenya - Burkina Faso ayaa xaqiijisay inay doonayso in 400 oo askari oo Faransiis ah oo waddankaas ku sugan inay ku baxaan muddo bil gudaheed ah, sidda ay warisay warbaahinta maxaliga ah.

Afhayeen u hadlay dowladda Jean-Emmanuel Ouedraogo ayaa si rasmi ah waxa uu shaaca uga dhigay in dalka oo dagaal kula jira mitidiin jihaad-aloos-yaal ah uu doonayo inuu is-difaaco.

Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, ayaa ka codsaday mas’uuliyiinta inay caddeeyaan mowqifkooda kadib markii warbaahinta dowladdu ay Sabtidii sheegtay in Burkina Faso ay soo afjareyso heshiis ay labada dal kala saxiixdeen 2018-kii.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in maamulka Burkinabe ay wali doonayaan in Faransiiska uu ka taageero dhanka qalabka. Mr Macron waxa uu sheegay in ay jirto "jahwareer weyn" oo ku saabsan faallooyinka la sheegay.

Sanadkii hore ciidamada Faransiiska ayaa isaga baxay dalka ay dariska yihiin ee Mali kadib markii ay isku dhaceen hogaamiyayaasha militariga dalkaasi ee xukunka la wareegay.

Faransiiska ayaa sidoo kale waxa uu soo afjaray howlgalkii ka dhanka ahaa kooxaha argagixisadda ah ee siddeeda sano ka socday gobolka Saaxil ee loo yaqaano Operation Barkhane.

Paris ayaa xiriir dhow la leh qaar badan oo ka mid ah dalalkii ay horay u gumeysan jireen ee galbeedka Afrika, waxaana uu dhowr ka mid ah ka caawiyay la dagaalanka kooxaha Islaamiyiinta ah ee ka jira gobolka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dibadbaxyo ka dhan ah ajaanibta oo ka billowday South Africa, kumannaan qofna cabsi u cararay

Madaxweyne Cyril Ramaphosa ayaa sheegay in dastuurku dammaanad qaadayo xorriyadda dibadbaxa.

  • Afrika

    30-06-2026

  • 01:37PM

Maxay Burkina Faso xiriirka ugu jartay dalkii hore u gumeysan jiray ee Faransiiska?

Xiriirka u dhexeeyay Burkina Faso iyo Faransiiska ayaa si weyn u xumaaday tan iyo afgambigii militari ee dhacay sanadkii 2022.

  • Afrika

    30-06-2026

  • 06:55AM