Cagjar oo loo doortay madaxweynaha dowlad degaanka

Image
Baarlamaanka Kalinka Shanaad ayaa hogaan cusub ku dortay kal-fadhiga 1aad ee fadhigiisa lixaad.

JIGJIGA, Soomaali Galbeed - Baarlamaanka dowlad degaanka Soomaalida ee hoostaga Itoobiya ayaa Mustafe Muxummed Cumar waxay mar kale u doorteen in uu hogaamiyo ismaamulkaas.

Injineer Maxammed Shaalle Isaaq, oo ah madaxa Xafiiska Xisbiga Barwaaqo ee Soomaalida, ayaa soo jeediyey in Cagjar mar kale la doorto "si loo meel-mariyo qabyo-tirka isbaddelka horumarineed ee 3-dii sano ee la soo dhaafay Deegaanka ka hana qaaday, goluhuna si aan kala hadh lahayn ayay ugu raaceen".

"Waxaanu soo dhisaynaa xukuumad ay iska dhex arkaan dhamaan shacabka deegaanku anaga oo tixgalinayna cabashooyinkii hada kahor nasoogaadhay," ayuu Cagjar doorashada kadib yiri

Cagjar ayaa intaas ku daray in geeddi-socodkii uu deegaanku soo maray sanooyinkii u dambeeyay uu ahaa mid xusuusooyin gaar ah u leh bulshada, kaasi oo khaladaad iyo wanaagba lahaa.

"Isbaddalkii uu la yimid Raysal-wasaare dr. Abiy Axmed waxa uu sababay in shacabka laga badbaadiyo hagardaamooyin lala maaganaa oo la rabay in loogu kala qeybiyo reer-reer iyo kooxaysi," ayuu xusay.

Sida laga soo xigtay Cagjar, isbaddalkaas kaddib "waxaa dhaqan-galeey xornimo iyo xorriyatul-qowl aan hore Deegaanka loogu arag oo shaqsi walba fikirkiisa iyo afkaartiisa uu si xor ah u gudbisanayo, waxaa tusaale cad u noqonaya isbaddalka dimuqraadiyadeed ee ka hirgalay Deegaanka rajada iyo yadadiilada ka muuqata shacabka Deegaanka Soomaalida ayuu yidhi madaxweynuhu".

Isaga oo hadalkiisa sii wata, Cagjar ayaa ayaa tibaaxay in golaha uu soo dhisi doono ay si weyn uga soo muuqan doonaan kaalinta dumarka sida haddaba aannu ku billownay, balse aysan dumarka noqon doonin kuwa kaalinta dumarka matala oo kaliya ee ay aqoon iyo karti ku imaan doonaan.

"Waxaan samayn doonaa masuuliyiin ay iska dhex arkaan guud ahaan shacabka Deegaanka oo dhan anaga oo tixgalinayna cabashooyinkii hore noo soo gaadhay," ayuu kusoo xiray hadalkiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa’iil oo Danjire u Magacawday Somaliland

Magacaabista Michael Lotem ayaa loo arkaa mid xoojinaysa xiriirka cusub ee dhex maray Israa’iil iyo Somaliland.

  • Afrika

    15-04-2026

  • 07:56PM

Taliyaha Ciidanka Uganda oo dalbaday "Gabadha ugu quruxda badan Turkiga" iyo $1 Bilyan oo dollar

Marka laga soo tago dalabkaas dhanka guurka ah, Jeneraalka ayaa sidoo kale dalbaday lacag dhan $1 bilyan oo dollar.

  • Afrika

    12-04-2026

  • 11:30AM