Ciidanka degaanka Soomaalida oo kasoo laabtey Tigray

Image
Image
Saddex bil kahor ayay ahayd markii ciidamadan loo daabulay gobolkaas kadib codsi ka yimid Addis Ababa.

JIGJIGA, Soomaali Galbeed - Ciidamada degaanka Soomaalida ee qeybta ka ahaa howlgalka dowlada Itoobiya ku qaadey gobolka waqoyga dalkaas dhaca ee Tigray ayaa lagu waramay in ay soo gurya-noqdeen.

Saraakiil ka tirsan ciidamaddan ayaa laga soo xigtey in askarta soo noqdeen "ayaga oo aan wax khasaaro ah soo gaarin". Warbaahinta waxay warineysaa in furimahooda ay la wareegeen askarta federaalka.

Saddex bil kahor ayay ahayd markii ciidamadan loo daabulay gobolkaas. Talaabadaas waxay ka dambeysay markii dalab uu kaga yimid xukuumadda Addis Ababa oo ahaa in ay kusoo biiraan gulufkaas xoogan.

Madaxwaynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar) ayaa xilligaas sharraxaad ka bixiyay ciidamo ay dowladiisa u dirtay in ay ka qeyb qaataan dagaalka gobolka Tigray.

Mustafe ayaa BBC u sheegay in go'aankooda uu ka dambeeyay kadib codsi uga yimid dowladda dhexe oo ku aadanaa in dowlad deegaannada dalka ay ka qeyb qaataan dagaalka looga soo horjeedo jabhadda TPLF.

Waxaa uu intaa ku daray in qorshaha TPLF uu yahay inay "dumiyaan" dowladda dhexe. Cagjar wuxuu intaa ku daray in ka hor inta aysan ciidamada dirin ay kala tashadeen dhinacyada ay khuseyso.

Mustafe ayaa xusay in ciidamada deegaanka Soomaalida ay ka mid yihiin ciidamada Itoobiya isla markaana ay mushaarkooda bixiso dowladda dhexe ayna tahay in difaaca dalka ay ka qeyb qaataan.

Cagjar ayaa dhowaan wuxuu hantey xubinimadda Soomaalida markii uu 47,413 cod ka hadlay doorashooyinkii dhowaan qabsoomay, sida ay muujineyso natiijada uu daabacay guddiga maamulaya coddeynta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa’iil oo Danjire u Magacawday Somaliland

Magacaabista Michael Lotem ayaa loo arkaa mid xoojinaysa xiriirka cusub ee dhex maray Israa’iil iyo Somaliland.

  • Afrika

    15-04-2026

  • 07:56PM

Taliyaha Ciidanka Uganda oo dalbaday "Gabadha ugu quruxda badan Turkiga" iyo $1 Bilyan oo dollar

Marka laga soo tago dalabkaas dhanka guurka ah, Jeneraalka ayaa sidoo kale dalbaday lacag dhan $1 bilyan oo dollar.

  • Afrika

    12-04-2026

  • 11:30AM