Ciidanka Eritrea oo bilaabay "in ay ka hayaamaan" dhulka Itoobiya

Image
Cutubyadan ayaa waxay la dagaalameen jabhadda TPLF ee gobolka Tigray labadii sano lasoo dhaafay.

ADDIS ABABA, Ethiopia - Ciidamo aad u tiro badan oo Ereteriyaan ah ayaa ka baxay magaalada Shire ee gobolka Tigray ee dalka Itoobiya, sida ay Reuters u sheegeen mid ka mid ah dadka deegaanka iyo laba ka mid ah shaqaalaha gargaarka bini'aadantinimo.

Cutubyadan ayaa waxay halkaasoo ay kula dagaalameen jabhadda TPLF ee gobolka Tigray iyagoo taageeraya ciidamada dowladda labadii sano ee la soo dhaafay dagaal sokeeye

Inkastoo bishii November heshiis xabad joojin ah ay wada gaareen dowladda Itoobiya iyo ciidamada gobolka Tigray, joogitaanka ciidamada Ereteriya ee Tigray ayaa loo arkayay caqabad muhim ah oo hortaagneyd nabad waarta.

Dagaalka Tigray ayaa la aaminsan yahay in uu sababay tobanaan kun, haddaysan ahayn boqollaal kun oo qof, malaayiin qofna ay ka carareen guryahoodii.

Ilaa hadda ma cadda in dhaq-dhaqaaqa ay ciidamadu ka sameeyeen Shire oo ka mid ah magaalooyinka ugu waaweyn Tigray-ga ay qayb ka tahay ka bixitaanka Eritera ee gobolka iyo in ay tahay dib u dajin.

Goobjoogayaal iyo sarkaal Itoobiyaan ah ayaa bishii hore sheegay in askarta Eritrea ay ka baxayaan Shire iyo laba magaalo oo kale oo waaweyn, laakiin qaar badan ayaa ku ekaa.

Intii uu dagaalka socday, ciidamada Eritrea waxaa dadka degaanka iyo kooxaha xuquuqul insaanka ku eedeeyay tacaddiyo kala duwan, oo ay ku jiraan boqolaal rayid ah oo lagu dilay magaalada Axum muddo 24 saacadood ah bishii Nofembar 2020.

Xukuumadda Asmara waa ay diiday eedeymahaas. Si lamid ah, wasiirka Warfaafinta ee Eritrea Yemane Gebremeskel ayaan wali si degdeg ah uga jawaabin codsiyada faallooyinka.

Eritrea ayaa cadow u aragte kooxda TPLF oo hogaaminaysa ciidamada Tigrayga. Eritrea iyo Itoobiya ayaa dagaal ku dhex maray xuduudka intii u dhaxaysay sanadihii 1998 ilaa 2000, markaas oo kooxda TPLF ay gacanta ku haysay dawladda federaalka ee Addis Ababa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

DR Congo: Xeer Ilaaliyaha Guud oo Dalbaday in dil lagu xukumo Madaxweyne Hore Joseph Kabila

Kabila ayaa bishii May laga qaaday xasaanaddii uu ku lahaa golaha sare ee dalka, isagoo ahaa senator noloshiisa.

  • Afrika

    23-08-2025

  • 01:24PM

Japan oo kusoo biirtay Loolanka Mareykanka iyo Shiinaha ee Khayraadka Afrika

Ra’iisul Wasaare Ishiba ayaa la filayaa inuu ku dhawaaqo qaab-dhismeed cusub oo iskaashi ah oo u dhexeeya Indo-Pacific iyo Afrika.

  • Afrika

    21-08-2025

  • 07:09AM