Colaad qowmiyadeed oo kasoo cusboonaatey gobolka Darfur
KHARTUUM, Suudaan - Ugu yaraan 11 qof ayaa ku dhintay iska horimaadyo u dhaxeeya kooxaha Carabta iyo kuwa aan Carabta ahayn ee ka qarxay gobolka Darfur ee dalka Suudaan, sidda uu sheegay dhakhtar.
Rabshado ayaa ka dhacay meel 20 kilomitir (12 mayl) u jirta caasimadda gobolka South Darfur ee Nyala Arbacadii, iska hor imaadkaas oo dhexmaray xoolo dhaqato Carab ah iyo beeraley ka soo jeeda qowmiyadda Daju ee laga tirada badan yahay iyo qowmiyadaha kale ee aan Carabta ahayn, sida ay sheegeen goobjoogayaal.
Ilaa hadda ma cadda waxa ka dhashay dagaalkaasi oo aan wali muuqan wax saameyn ah oo uu ku qaboojinayo. Isku-dhacyadda ayaa lasoo wariyey in ay sii fidayaan.
"Tirada meydadka ee isbitaalka soo gaaray waxay gaarayaan 11-qof," ayuu dhaqtarka isbitaalka Nyala u sheegay AFP, isagoo intaas ku daray in ugu yaraan 20-qof laga daweeyay dhaawacyo rasaas ah.
Isku dhacyada qoomiyadaha ayaa inta badan ka dhaca Darfur, oo ah gobol aad u balaaran oo ay halakeeyeen dagaal sokeeye oo qaraar kuwaasoo qarxay sanadkii 2003.
Colaadaasi waxa iska horkeenay jabhadaha qowmiyadaha tirada yar ee ka soo horjeeday dawladii Carabta u badnayd ee uu madaxweynaha ka ahaa Cumar al-Bashiir.
Ilaa 300,000 oo qof ayaa la dilay halka 2.5 milyan ay ku barakaceen. Sudan ayaa wali la daalaa dhacaysa afgambigii militariga ee uu hogaaminayay taliyaha ciidamada Abdel Fattah al Burhan bishii October ee sanadkii hore.
GAROWE ONLINE