Covid-19 oo gudaha u galay saldhig boolis iyo saraakiil laga helay

Image

NAIROBI, Kenya – Saddex kamid ah askarta saldhiga bileyska xaafadda Kamukunji ee caasimadda dalka Kenya ee Nairobi oo laga helay Covid-19 ayaa dhalisay in baaritaan loo diray saraakiisha kale.

Sidda ay wararku sheegayaan, sarkaalka koowaad oo ka tirsan waaxda dambi baarista CID ayaa la xaqiijiyey in uu xanuunka qabo Jimcadii, wuxuuna ku karan-tiilan yahay hoygiisa isaga iyo qoyskiisa.

Sarkaalka kale oo goobtiisa shaqo lagu baarey loogana helay cudurka wuxuu ku karan-tiilan yahay Kenyatta University; qoyskiisa waxaa lagu karantiilay saldhiga booliska Kamukunji ku dhow hoygooda.

Wasaaradda Caafimaadka, sidda ay wararku sheegayaan, ayaa koox deg-deg ah u dirtay saldhiga booliska Kamukunji si ay u baaraan saraakiisha kale.

Sarkaalka saddexaad oo degan xaafadda Fuata Nyayo ayaa isagana ku karantiilay Isbitaalka Mbagathi oo ku yaala isla magaala madaxda Nairobi.

In ka badan 30 sarkaal boolis ayaa guud ahaan Kenya loo karantiilay Covid-19 dartiisa; wadarta dadka cudurka ee ku dhaqan waddankaas ayaa mareysa 4,374, bogsashadana waxay cagacageyneysaa 1,550

Ciidamadda Booliska ayaa kamid ah dadka aadka ugu nugul in ay qaadaan caabuqa sabab la xiriirta shaqadooda maalinlaha ah, wallow ay qaataan waxyaabaha looga gaashaanto fayruska.

Todobaadkii hore, qof looga shakisanaa la dilay ayaa la xaqiijiyey in uu qabay Covid-19, arrintaas waxay sababtay in la karantiilo tobban sarkaal boolis oo si toos ah ula tacaaleysay xaaladda shaqsigaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Tanzania oo kala saxiixday heshiis saameyn ku leh Webiga Nile

Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato ballaarinta iyo casriyeynta Dekedda Daaru-Salaam.

  • Afrika

    20-07-2026

  • 11:08AM

Suudaan oo Dil ku Xukuntay Hoggaamiyaha RSF Hemedti iyo Walaalkiis

Dadka kale ee la xukumay waxaa ka mid ah Alqooni Xamdaan Dagalo Muuse oo isna walaal la ah Hemedti.

  • Afrika

    13-07-2026

  • 10:36AM