Dalal muwaadiniintooda ku booriyey in ay ka baxaan Itoobiya

Image
Colaadda Itoobiya oo sanad jirsatay ayaa horseeday dhimashada kumanaan iyo barakaca malaayiin.

RIYADH, Saudi Arabia – Sacuudi Carabiya ayaa Jimcihii ku boorisay muwaadiniinteeda ku sugan Itoobiya inay sida ugu dhaqsaha badan uga baxaan dalkaas, iyadoo ay walaac ka muujinayaan dagaalameyaasha Tigreega ee duulaanka ku ah caasimadda Addis Ababa.

"Safaaradda Sacuudiga ee Itoobiya waxay ugu baaqaysaa dhammaan muwaadiniinta Sacuudiga ee ku sugan Itoobiya inay sida ugu dhaqsiyaha badan uga baxaan, iyadoo la eegayo xaaladda hadda jirta,” ayay safaaradda ku tiri hadal ay soo saartay, iyadoo ku boorisay muwaadiniinta inay aad u taxaddaraan oo ay feejignaadaan.

Mareykanka ayaa horey ugu tartarsiiyey muwaadiniintiisa in ay si iskood ah uga hayaamaan Itoobiya isla markaana aysan wax taageero ah ka filan xukuumada Washington.

Xisbiga Tigray People’s Liberation Front (TPLF) ayaa isbahaysi la samaystay siddeed kooxood oo kale oo dawladda ka soo horjeeda si ay meesha uga saaraan xukuumadda Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed.

Waa xaaladdii ugu dambaysay ee dagaal muddo sannad ah socday oo galaaftay nolosha kumannaan qof, kuna barakacay in ka badan laba milyan oo qof.

Ciidamada Tigreega iyo kuwa huwanta ah ayaa ku hanjabay in ay mari doonaan magaalada Addis Ababa. Ciidamada Itoobiya ayaa isku diyaarinaya iska hor imaad waxayna ka codsadeen ciidamada milatariga ee shaqada ka fadhiistay inay dib ugu biiraan ciidanka si ay ula dagaalamaan ciidamada Tigreega.

Beesha Caalamka ayaa soo cusboonaysiisay baaqyo ku aaddan xabbad-joojin. Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa Khamiistii sheegay: "Waxaan ugu baaqaynaa dawladda Itoobiya in ay joojiso ololaheeda milateri, oo ay ku jiraan duqeymaha cirka ee xarumaha dadka ee Tigrayga iyo abaabulka maleeshiyooyinka qowmiyadaha".

Wuxuu intaas ku daray: "Waxaan ugu baaqaynaa ciidamada Tigray People’s Liberation Front (TPLF) iyo Oromo Liberation Army (OLA) inay si deg deg ah u joojiyaan horumarka ay hadda ku wajahan yihiin Addis Ababa".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa’iil oo Danjire u Magacawday Somaliland

Magacaabista Michael Lotem ayaa loo arkaa mid xoojinaysa xiriirka cusub ee dhex maray Israa’iil iyo Somaliland.

  • Afrika

    15-04-2026

  • 07:56PM

Taliyaha Ciidanka Uganda oo dalbaday "Gabadha ugu quruxda badan Turkiga" iyo $1 Bilyan oo dollar

Marka laga soo tago dalabkaas dhanka guurka ah, Jeneraalka ayaa sidoo kale dalbaday lacag dhan $1 bilyan oo dollar.

  • Afrika

    12-04-2026

  • 11:30AM