Dowladda Suudaan oo fashilisay isku-day afgembi milatari

Image
Xukuumada Khartuum ayaa sheegtay in xabsi loo taxaabay "dhamaan dadkii ku lugta lahaa falkan".

KHARTUUM, Suudaan - Dowlada Suudaan ayaa maanta shaacisay in saraakiil ka tirsan milatariga iyo dad rayid ah la xiray kadib markii ay sameeyeen isku-day afgembi oo dhicisoobay.

Xukuumada Khartuum oo shaqsiyaadkaas la xiriirsay taliskii xukunka laga tuuray madaxweynihii muddada dheer ee Cumar Al-Bashiir ayaa xustey in isku-dayga afgembi si deg-deg ah loo xakameeyay.

Ra'iisul wasaare Cabdalla Xamduuk ayaa shir jaraa'id wuxuu ka sheegay in isku-dayga afgambiga ay soo abaabuleen xubno ka tirsan ciidanka oo ku kala sugan gudaha dalka iyo dibadda.

Xamduuk ayaa xusay in markii ugu horreysay dad ku lug lahaa isku dayga la xiray, isagoo intaas ku daray in isku dayo hore oo lagu abuuri lahaa amni -darro, gaar ahaan bariga dalka, la fashiliyey.

"Su’aalo weydiinta tuhmanayaasha ku lug lahaa isku dayga afgambiga waana dhowr qof oo wajihi doona cadaaladda," ayuu yir afhayeenka dowladda, Maxamed al-Faki Suleymaan.

Suudaan ayaa si tartiib-tib ugu socota xukun dimoqraadi ah tan iyo markii militarigu riday Cumar Xasan Al-Bashiir bishii Abriil 2019, kadib afar bilood oo ay socdeen dibadbaxyo ballaaran.

Dalkan ayaa waxaa hadda ka taliya dowlad rayid ah iyo milateri oo isku dhaf ah kuwaas oo wajahaya caqabado dhaqaale iyo amni oo aad u weyn si lamid ah in ay so celiyaan nolosha dadweynaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa’iil oo Danjire u Magacawday Somaliland

Magacaabista Michael Lotem ayaa loo arkaa mid xoojinaysa xiriirka cusub ee dhex maray Israa’iil iyo Somaliland.

  • Afrika

    15-04-2026

  • 07:56PM

Taliyaha Ciidanka Uganda oo dalbaday "Gabadha ugu quruxda badan Turkiga" iyo $1 Bilyan oo dollar

Marka laga soo tago dalabkaas dhanka guurka ah, Jeneraalka ayaa sidoo kale dalbaday lacag dhan $1 bilyan oo dollar.

  • Afrika

    12-04-2026

  • 11:30AM