Duqii Johannesburg oo ku geeriyooday shil baabuur

Image
Matongo ayaa ku dhashay Soweto, sida laga soo xigtay website -ka magaalada Johannesburg.

JOHANNESBURG, SOUTH AFRICA — Duqa magaalada Johannesburg ayaa ku dhintay shil baabuur kadib markii uu ka soo laabtay olole doorasho oo uu ku wehliyey madaxweynaha Koonfur Afrika Sabtidii.

Sidda lagu sheegay war ka soo baxay xafiiskiisa, dhimashadda ayaa waxay kusoo beegmaysaa wax ka yar bil kadib markii si dimuqraadi ah loogu doortey qabashadda looguna dhaariyey xilkaas.

Jolidee Matongo, oo 46 jir ahaa, ayaa ka soo laabanaysay diiwaangelin codbixin oo ka socotay magaalada Soweto ka hor doorashooyinka deegaanka markii shilku dhacay.

Ninkii uu xilka ka bedelay Matongo ayaa wuxuu u geeriyoodey safmareenka faraha kulul ku haya waddankaas ee Covid-19 bishii Luulyo. Matongo ayaa la doortay 10-kii Ogosto.

Guddoomiyaha gobolka Gauteng ee David Makhura oo sidoo kale ku jiray ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha Soweto, ayaa sheegay in warkaasi uu ku reebay "naxdin iyo burbur".

Xafiiska Matongo oo sheegay in tacsi tiiraanyo leh u diraya qoyskiisa ayaa sheegay in faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan shilka la soo bandhigi doono "waqtiga ku habboon".

Matongo ayaa ku dhashay Soweto, sida laga soo xigtay website -ka magaalada Johannesburg, wuxuuna xubin ka noqday Ururka Dhallinyarada ANC kadib markii uu siyaasadda soo galay isaga oo ah 13-jir.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Afrika oo Cambaareeyay Tallaabada Israel ee safiirka ugu magacawday Somaliland

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa horay ugu dhawaaqay in aqoonsi kasta oo hal dhinac ah uu yahay mid aan waxba ka jirin.

  • Afrika

    20-04-2026

  • 07:17AM

Israa’iil oo Danjire u Magacawday Somaliland

Magacaabista Michael Lotem ayaa loo arkaa mid xoojinaysa xiriirka cusub ee dhex maray Israa’iil iyo Somaliland.

  • Afrika

    15-04-2026

  • 07:56PM