Ethiopia: Maxaabiis siyaasadeed oo cafis loo fidiyey

Image
Liiska waxaa ku jira dhowr xubnood oo hormuud ka ah kooxda TPLF (Tigray People’s Liberation Front)

ADDIS ABABA, Ethiopia - Dowlada Itoobiya ayaa ku dhawaaqday in ay cafis u fidin doonto oo ay sii deyn doonto qaar ka mid ah maxaabiista siyaasadda sidda Jawar Mohammed oo ka tirsan mucaaradka iyo saraakiil sare oo ka tirsanaa kooxda Tigrayga.

Shaacintan soo ifbaxdey Jimcihii ayaa timid ka dib markii ra'iisul wasaare Abiy Axmed uu soo saaray bayaan uu ku baaqayo "dib u heshiisiin qaran" iyadoo Itoobiya ay u dabaaldegeyso Christmas-ka.

Liiska waxaa ku jira dhowr xubnood oo hormuud ka ah kooxda TPLF (Tigray People’s Liberation Front), kuwaas oo ciidamadoodu ay ku xidhmeen dagaal bahalnimo ah oo ay kula jiraan ciidamada dawladda waqooyiga Itoobiya tan iyo Nofembar 2020.

Sidoo kale, hogaamiyayaal caan ah oo mucaarad ah oo kasoo jeeda Qowmiyadaha Oromada iyo Amxaarada oo kamid ah dadka la sii daayay. Ilaa hadda ma cadda tirada dadka cafiska loo fidiyay ee wali la sii daayay.

Waa talaabadii ugu yaabka badnayd ee ay dawladu qaado ka dib markii dagaalki Tigrayga ee lagu hoobtay uu galay waji cusub dabayaaqadii bishii December.

Xilligaas ciidamada Tigraygu waxay dib ugu gurteen gobolkooda iyada oo ay duulaan militari ku qaadeen ciidamada Itoobiyana ay sheegeen in aysan horay u sii socon.

Warbaahinta dawladda Itoobiya ee EBC, ayaa carabowdey in Jawar iyo Eskinder Nega, kuwaas oo la xidhay bishii Luulyo 2020 ka dib rabshadihii dhiiga ku daatay ee ka dhashay dilkii fanaankii caanka ahaa ee Oromada Hachalu Hundessa, ku jiraan liiska dadka la cafiyey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Taliyaha Ciidanka Uganda oo dalbaday "Gabadha ugu quruxda badan Turkiga" iyo $1 Bilyan oo dollar

Marka laga soo tago dalabkaas dhanka guurka ah, Jeneraalka ayaa sidoo kale dalbaday lacag dhan $1 bilyan oo dollar.

  • Afrika

    12-04-2026

  • 11:30AM

Ismaaciil Cumar Geelle Oo Markii Lixaad Ku Guuleystay Doorashada Jabuuti

Wax yar kadib markii natiijooyinka hordhaca ah la shaaciyay, Guelleh oo 78 jir ah ayaa ku qoray “Reelected” bartiisa ku taal X.

  • Afrika

    11-04-2026

  • 12:44PM