Itoobiya oo go'aan ka qaadatay xalka xiisada webiga Nile

Image
Biyo-xireenka Webiga Niil wuxuu xudun u yahay xiisadda wabiga Niil tan iyo markii ay Itoobiya bilowdey 2011-kii.

QAAHIRA, Masar - Madaxweynaha Suudaanta Koonfureed, Salva Kiir oo ku sugan magaalada caasimadda ah ee  Qaahira, ayaa wuxuu wadahadalna la yeeshay dhigiisa dalka Masar ee Cabdel Fataax Al Siisi.

Kiir ayaa shaaca ka qaaday Axaddii in Ethiopia ay qorshuhu ahaa in ay bilowdo wada-xaajoodyadda xalka loogu goobayo biyo -xireenka Grand Ethiopian Renaissance Dam (GERD) bisha Oktoobar.

Balse, sida uu ka dhawaajiyey Kiir, xukuumadda fadhigeedu yahay caasimada Addis Ababa ayaa waxay dib-u-dhigtay wadaxaajodka inta ay kasoo afmeereyso dagaalka gobolka Tigray.

Biyo-xireenka Webiga Niil wuxuu xudun u yahay xiisadda wabiga Niil tan iyo markii ay Itoobiya bilowdey sanadkii 2011, iyadoo waddamada Masar iyo Suudaan ay ka walaacsan yihiin in uu dhimayo saamigooda biyaha ee muhiimka ah.

Muranka daba dheeraaday ayaa xoogeystay ka dib markii kaydkii weynaa ee ka dambeeyay biyo xireenka dhererkiisu yahay 145-mitir (475-foot) uu bilaabay buuxintiisa bishii July.

Masar iyo Itoobiya, oo qoraallo gooni gooni ah soo saareen,ayaa waxay horey ku eedeeyeen Suudaan in ay diidan tahay qaab-dhismeedka wadahadalka ayaga oo ku sifeeyay "carqaladda cusub".

Khartoum ayaa ka soo horjeesatay waxa ay ku sheegtay warqad 8-dii Janaayo ka soo baxday Itoobiya una dirtay Midowga Afrika taasoo lagu xusay in Itoobiya ay ka go’an tahay inay buuxiso kaydka bisha July.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa’iil oo Danjire u Magacawday Somaliland

Magacaabista Michael Lotem ayaa loo arkaa mid xoojinaysa xiriirka cusub ee dhex maray Israa’iil iyo Somaliland.

  • Afrika

    15-04-2026

  • 07:56PM

Taliyaha Ciidanka Uganda oo dalbaday "Gabadha ugu quruxda badan Turkiga" iyo $1 Bilyan oo dollar

Marka laga soo tago dalabkaas dhanka guurka ah, Jeneraalka ayaa sidoo kale dalbaday lacag dhan $1 bilyan oo dollar.

  • Afrika

    12-04-2026

  • 11:30AM