Guterres oo baaq cusub kasoo saarey colaadda Tigray

Image
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa cambaareeyay "in kufsga loo adeegsanayo hub ahaan".

ADDIS ABABA, Ethiopia - Xoghayaha guud ee Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa ayaa mar kale ku baaqay xabbad-joojin degdeg ah oo ka dhacda gobolka waqoyga Itoobiya ku yaala ee Tigreega.

Ismaamulkan xasarada ka jirto tan iyo bishii Novemebr sanadkii hore ayay ciidamada dowladda iyo dagaalyahannada mucaaradka ay ku dagaalamayaan waxaana ka dhashay geeri iyo qax.

António Guterres ayaa ku tilmaamay xaaladaha bini’aadanimo ee Tigray in ay yihiin “cadaab” wuxuuna sheegay in hay’adaha gargaarka ay u baahan yihiin in si aan xad lahayn loo gaaro.

Guterres ayaa si xoogan wuxuu u cambaareeyay xadgudubka galmada ee loo geysto haweenka Itoobiya oo lagu waramayo in dhinacyadda u adeegsanayaan "hub dagaal ahaan".

Isagoo wariyeyaasha kula hadlayay magaaladda New York, Mr Guterres ayaa xusay in aysan jiri karin xal milateri oo ku aaddan dagaalka, kaasoo ku fiday dowladaha dariska ah.

Wuxuu yiri: "Waa in la abuuraa shuruudo si loogu oggolaado bilowga wadahadal siyaasadeed oo ay hormuud ka tahay Itoobiya si xal kama dambeys ah oo waara loogu helo xiisadda".

"Wadahadalka noocan oo kale ah waxay gacan ka geysan karaan wax ka qabashada sababaha salka u ah isku dhaca iyo hubinta in codadka Itoobiya ay toosiyaan waddada nabadda," ayuu raaciyey.

Malaayiin qof ayaa barakacay boqolaal kunna waxay ku nool yihiin xaalado macluul gudaha gobolka Tigray halkaasoo colaadda ay u muuqaneyso in ay dhinacyada ku lugta leh aysan ka baaqsan doonin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Afrika oo Cambaareeyay Tallaabada Israel ee safiirka ugu magacawday Somaliland

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa horay ugu dhawaaqay in aqoonsi kasta oo hal dhinac ah uu yahay mid aan waxba ka jirin.

  • Afrika

    20-04-2026

  • 07:17AM

Israa’iil oo Danjire u Magacawday Somaliland

Magacaabista Michael Lotem ayaa loo arkaa mid xoojinaysa xiriirka cusub ee dhex maray Israa’iil iyo Somaliland.

  • Afrika

    15-04-2026

  • 07:56PM