Injineero lagu dilay weerar ay Al-Shabaab ka geysatay Kenya

Image
Falkan ayaa ka dambeeyay markii gaari ay la socdeen uu haleelay miino jidka dhinaciisa lagu aasay.

NAIROBI, Kenya - Booliiska Kenya ayaa Arbacadii sheegay in dabley looga shakisan yahay Al-Shabaab ay afar qof ku dileen gobolka waqooyiga qaar kalena ay ku dhaawacmeen weerarkaas.

Warbaahinta ayaa warisay in dadka la dilay ay saddex kamid ah ahaayeen Injineero ka tirsan maamulka Wadooyinka Kenya (KeNHA) kuwaas oo ku guda jiray qiimeynta joogtada ah ee wadada.

Weerarkan ayaa ka dambeeyay markii gaari ay la socdeen uu haleelay miino jidka dhinaciisa lagu aasay, sidda laga soo xigtey saxaafadda oo soo xigatay illo ka tirsan booliska.

Baabuurka ayaa qeyb ka ahaa kolanyo dib u laabtay kadib markii gaari noociisu yahay Toyota Hilux Double Cabin uu ku burburay qaraxa, sida ay booliisku sheegeen.

"Gaadiidkii kale waxay ku noqdeen xerada Hailey Chinese," ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kooban oo taliska booliska oo la wadaagay xafiisyadda war-qabka ee warbaahinta.

Taliyaha booliiska Waqooyi Bari George Seda ayaa xusay in kooxihii weerarka geystay ay baxsadeen, waxaana loo diray booliiska degaanka si ay u daba-galaan oo ay u xoojiyaan ammaanka dadka deegaanka.

Isla deegaankan oo ka tirsan ismaamulka Garissa ayaa lala beegsaday weerar kan la mid ah oo bishii December lagu dilay laba sarkaal oo boolis ah iyo qof rayid ah.

Weerarkaas waxaa loo aaneeyay maleyshiyaadka xiriirka la leh Al-Qaacida ee Al-Shabaab kuwaasoo inta badan Kenya ka soo galay xadka aan la wadaagin Soomaaliya si ay weeraro uga geystaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kenya: Gabdho Soomaali ah oo lagu qabtay $560,000 oo false ah

Saraakiisha DCI-ga ayaa sheegay in lacagta been abuurka ah ay ku jirtay xaalad aad u adag oo dadka qaarkiis aysan si fudud u garan karin.

  • Afrika

    30-08-2025

  • 05:43PM

DR Congo: Xeer Ilaaliyaha Guud oo Dalbaday in dil lagu xukumo Madaxweyne Hore Joseph Kabila

Kabila ayaa bishii May laga qaaday xasaanaddii uu ku lahaa golaha sare ee dalka, isagoo ahaa senator noloshiisa.

  • Afrika

    23-08-2025

  • 01:24PM