Itoobiya oo lagu booriyey in ay qaado xayiraad ay soo rogtey bilo kahor

Image
Shirkadaha la xayiray ayaa, sidda ku xusan warbixinta, waxaa ka mid ah Facebook, Messenger, TikTok, Telegram iyo YouTube.

ADDIS ABABA, Ethiopia - Amnesty International ayaa ugu baaqday mas'uuliyiinta Itoobiya in ay si deg deg ah xayiraadaha soo bilowday bil ka hor uga qaadaan dhowr shabakadood oo baraha bulshada ah.

Shirkadaha la xayiray ayaa, sidda ku xusan warbixinta, waxaa ka mid ah Facebook, Messenger, TikTok, Telegram iyo YouTube. Ma ahan xayiraad dhameystiran oo internet-ka ah.

Ilaa hadda si rasmi ah looma sheegin sababta loo xannibay, inkasta oo ay dhacday ka dib kala qaybsanaan ku timid Kaniisadda caanka ah ee Ortodokska, taas oo kor u qaaday xiisadda ka taagan dalkaas ee diiniga ah.

Flavia Mwangovya, oo ah kuxigeenka agaasime goboleedka ee Amnesty ee bariga iyo koonfurta Afrika, ayaa ku boorisay mas'uuliyiinta "in ay qaadaan xannibaaddan iyada oo aan dib loo dhigin oo ay joojiyaan dhaqankan faragelinta xuquuqda dadka ee ah in ay aragtidooda muujiyaan iyo inay raadiyaan oo helaan macluumaadka".

Xiritaanka internet-kaka ayaa ahaa xeelad caadi ah oo ay isticmaasho dowladda Itoobiya mar walba oo ay dareento cadaadis ama xiisado siyaasadeed oo ka dhan ah.

Qaar ka mid ah degaannada gobolka woqooyi ee Tigray, halkaas oo ay ka dhaceen iskahorimaad ba'an oo socday laba sano bishii Nofembar, ayaa weli haysan adeega internetka.

Taageerayaasha dowladda ayaa sheegay in xiritaanka internet-ka looga dan leeyahay in lagu xakameeyo faafinta fariimaha been abuurka ah iyo kuwa kicinta ah, iyo in la qaboojiyo xiisadda ku saleysan qowmiga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dibadbaxyo ka dhan ah ajaanibta oo ka billowday South Africa, kumannaan qofna cabsi u cararay

Madaxweyne Cyril Ramaphosa ayaa sheegay in dastuurku dammaanad qaadayo xorriyadda dibadbaxa.

  • Afrika

    30-06-2026

  • 01:37PM

Maxay Burkina Faso xiriirka ugu jartay dalkii hore u gumeysan jiray ee Faransiiska?

Xiriirka u dhexeeyay Burkina Faso iyo Faransiiska ayaa si weyn u xumaaday tan iyo afgambigii militari ee dhacay sanadkii 2022.

  • Afrika

    30-06-2026

  • 06:55AM