Kenya oo abaalmarin dul-dhigtey rag lala xiriiriyey Al-Shabaab

Image
Shaqsiyaadkan waxaa kamid ah qaar lagu helay dambi salka ku haya falal argagixisinimo.

NAIROBI, Kenya - Taliska booliska Kenya ayaa soo bandhigtay magacyadda iyo sawiradda saddex maxbuus oo lala xiriirinayo argagixiso kuwaasoo ka baxsaday xabsiga Kamiti Maximum ee Nairobi.

Qofkasta oo haya macluumaad ku saabsan halka ay ku sugan yihiin, ayay hay'adda dambi-baarista Kenya shaaca ka dhigtey, in ay heli doonto abaalmarin lacageed oo dhan $200-kun doolar.

Shaqsiyaadka la goobayo waxaa kamid ah Maxamed Cali oo lagu helay in uu kaalin weyn ka cayaaray weerarkii 2016-kii ay Al-Shabaab ku qaadey Jaamacadda Garissa.

Sidoo kale, Musharaf Cabdalla oo bartilmaansaday baarlamaanka Kenya ayaa kasoo dhex-muuqdey liiska aqoonsiyadooda ay baraha bulshadda ku faafiyeen ciidamadda booliska Kenya.

Joseph Juma oo la xiray isagoo isku dayay inuu Al-shabaab ka mid noqdo 2019-ka degmada Bulaxaawo ee Soomaaliya ayaa sidoo kale wuxuu kamid yahay magacyadda lasoo bandhigay.

"Waxaan aad ugu boorinaynaa dadweynaha in ay gacan weyn ka geystaan sidii mar kale cadaaladda loo horgeyn lahaa dambiileyaashan," ayaa lagu soo gabagabeeyay qoraalka taliska bileyska.

Al-Shabaab ayaa joogitaan badan waxay ku leedahay gobolada waqooyi ee Kenya. Kooxda hubeysan waxay beegsatay goobaha ay dadka danyarta ah ku badan yihiin ayadda oo raadineysa saameyn.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa’iil oo Danjire u Magacawday Somaliland

Magacaabista Michael Lotem ayaa loo arkaa mid xoojinaysa xiriirka cusub ee dhex maray Israa’iil iyo Somaliland.

  • Afrika

    15-04-2026

  • 07:56PM

Taliyaha Ciidanka Uganda oo dalbaday "Gabadha ugu quruxda badan Turkiga" iyo $1 Bilyan oo dollar

Marka laga soo tago dalabkaas dhanka guurka ah, Jeneraalka ayaa sidoo kale dalbaday lacag dhan $1 bilyan oo dollar.

  • Afrika

    12-04-2026

  • 11:30AM