Kenya oo ciidamo dheeraad ah geysay xuduudka Soomaaliya

Image
Saraakiisha amniga ayaa talaabadan la xiriiriyey "ka hortagga qulqululka maleyshiyaadka Al-Shabaab".

NAIROBI, Kenya - Ciidamo dheeraad ah ayaa loo qaaday qeybo ka mid ah gobolka Waqooyi Bari ee xuduudka ay wadaagaan Kenya iyo Soomaaliya, sida ay ku warantay warbaahinta maxaliga ah ee waddanka Kenya.

Talaabadan ayaa, sidda ay daabacdey majaladda The Star, waxay ka dambeysay kadib markii maleyshiyaadka Al-Shabaab laga qabsaday dhul balaaran oo ay horey u maamulayeen.

Laamaha amaanka Kenya ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay wado dadaalo ay ku dooneyso in ay isaga caabiso dagaalameyaasha Al-Shabaab ee isku-dayaya in ay dib u qabsadaan goobihii laga saarey.

Intaas waxaa wehlisa, dadka deegaanka ayaa soo sheegay in ay ku dhex arkeen aagag ku dhow sohdinta dad aysan aqoon u laheyn, waxaana aad looga shakisan yahay in ay noqon karaan kuwa Al-Shabaab soo laabtay.

Saraakiisha Kenya ayaa sheegay in ay filayaan in ay bilowdaan qulqulka dagaalyahannada Al-Shabaab ee ka baxsanaya weerarrada ciidamada Soomaaliya ama howlgaladooda.

"Jawiga cadaawadeed ee Soomaaliya oo ay weheliso dhaqaalaha sii yaraanaya ee laga helayo Zakawaadka ayaa sababi karta in xagjiriinta ay soo galaan Kenya iyaga oo sii maraya xuduudaha Mandheera, Wajeer iyo Gaarisa," ayuu yiri sarkaal.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay in maamulkiisa uu dhaqaale ku bixin doono dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, isagoo dhanka kale dalbaday in dalalka deriska ah uu kaalmo waydiisto, sida ku xusan warbixinta

Dowladda Mareykanka oo ah xulafada ugu weyn ee Soomaaliya ka caawiya la dagaalanka argagixisadda ayaa waxay ballanqaaday in ay la shaqeyn doonto ciidamada howlgalka wada si loogu soo celiyo nidaamka iyo kala dambeynta dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Biyo-xireenkan Niil oo ka dhigay Itoobiya Dhoofiyaha ugu weyn ee korontada Afrika

Masar iyo Suudaan waxay ku doodeen in buuxinta biyo-xireenka ay qaadato 12 ilaa 21 sano si aysan biyuhu u yaraanin.

  • Afrika

    09-09-2025

  • 05:31AM

Itoobiya oo ku eedeysay Jaamacadda Carabta in ay Masar u adeegto

Hadalkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo weli uu taagan yahay muranka dhanka biyaha ah ee u dhexeeya Itoobiya iyo Masar.

  • Afrika

    08-09-2025

  • 11:04AM