Kenya: Weeraro ay fulisay Al-Shabaab oo hakiyey mashaariic

Image
Talaabadan ayaa lagu fasiray si ay hay’adaha ammaanka u helaan waqti ay wax kaga qabtaan dhibaatada amni-darrada.

NAIROBI, Kenya - Weerarada argagaxisada ee sii kordhaya ayaa ku qasbay madaxda hay'adaha ammaanka inay joojiyaan dhismaha wadada muhiimka ah ee isku xirta Kenya iyo South Sudan.

Shaqaalaha mashruuca Waddada isku xira Lamu Port-South Sudan-Ethiopia-Transport (LAPSSET) ayaa todobaadkii hore loo sheegay in shaqada la hakiyay muddo lix toddobaad ah si ay hay’adaha ammaanka u helaan waqti ay wax kaga qabtaan dhibaatada amni-darrada.

Ugu yaraan 14 qof ayaa dhimatay tan iyo markaas. Weerarka ayaa ka dhacay deegaanka Algeis Malhadhon Adam oo u dhow xerada booliska ee Bodhai. Saddex gaari ayaa waxyeelo soo gaartay kadib markii lagu dhuftay walxaha qarxa.

11-kii Janaayo, afar Injineer ah ayaa la dilay kadib markii gaari ay wateen lagu qarxiyay walxaha qarxa oo la sheegay in ay ka dambeeyeen maleeshiyada Al-Shabaab.

Diseembar 21-keedii, saddex qof oo ay ku jiraan laba sarkaal oo booliis ah ayaa lagu dilay inta u dhaxaysa xerada Hayley Lapset Camp iyo Gaarisa isla weeraro noocaas la mid ah.

Diseembar 30-keedii, Al-Shabaab waxay soo dhigtay walxaha qarxa wadada Mlima Faru ee Lamu halkaasoo uu ku dhintey hal askari shan kalena ay ku dhaawacmeen kadib markii baabuur ay wateen uu dul maray.

Deegaankan ayaa ku dhow xadka ay wadaagaan wadamada dariska ah ee Kenya iyo Soomaaliya oo ay dhowr jeer oo hore weerarro ku qaadeen kooxo argagaxiso ah.

Kenya ayaa sanadkii 2015-kii bilowday dhismaha darbi dhererkiisu dhan yahay 700-km, si ay uga hortagto weeraradda Al-Shabaab. Hase ahaatee, qorshahaas ayaa u muuqda mid aanan miro-dhalin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

DR Congo: Xeer Ilaaliyaha Guud oo Dalbaday in dil lagu xukumo Madaxweyne Hore Joseph Kabila

Kabila ayaa bishii May laga qaaday xasaanaddii uu ku lahaa golaha sare ee dalka, isagoo ahaa senator noloshiisa.

  • Afrika

    23-08-2025

  • 01:24PM

Japan oo kusoo biirtay Loolanka Mareykanka iyo Shiinaha ee Khayraadka Afrika

Ra’iisul Wasaare Ishiba ayaa la filayaa inuu ku dhawaaqo qaab-dhismeed cusub oo iskaashi ah oo u dhexeeya Indo-Pacific iyo Afrika.

  • Afrika

    21-08-2025

  • 07:09AM