Khasaaro ka dhashay qaxooti ay ku jiraan Soomaali oo la qarxiyey

Image
Taliska Booliska ayaa falkan u xiray Umoton John Peter oo 42 jir ah oo u dhashay dalka Rwanda.

BOMAKO, Malawi - Shan qof oo qaxooti ah oo ku sugnaa xeradda barakacyaasha Dzaleka ee bartamaha waddanka Malawi ayaa ku dhaawacmay kadib markii bam gacmeed ay ku qaraxday suuqa weyn ee xerada fiidnimadii Arbacada.

Taliska Booliska oo bayaan kooban soo saarey ayaa xiray Umoton John Peter oo 42 jir ah oo u dhashay dalka Rwanda, kaasoo looga shakisan yahay inuu si ula kac ah u qarxiyey bambada.

Peter ayaa la filayaa in uu ka soo muuqdo maxkamada si uu uga jawaabo eedeymaha ah in uu waxyeeleeyay dad shacab ah kadib markii ay booliisku soo gabagabeeyeen baaritaankooda.

Booliska ayaa tibaaxay in saddex qof oo uu ku jiro hoggaamiyaha qaxootiga Burundi ay soo gaareen dhaawacyo halis ah, kuwaasoo la dhigay isbitaalka degmada Dowa ee u dhow xerada.

Mas’uuliyiinta dowladda Malawi iyo hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR, ayaa cambaareeyay weerarka, waxaana ay soo kabasho degdeg ah u rajeeyeen shacabka.

Dhacdadan oo ah tii ugu horeysay ee laga soo wariyo xeradaasi ayaa argagax iyo cabsi ku beertay qaxootiga halkaasi ku nool oo uu ku jiro Assana Abdullah oo kasoo jeeda dalka Burundi.

Xerada qaxootiga ee Dzaleka ayaa loogu tala galay in ay martigeliso ilaa 12,000 oo qaxooti ah balse waxay hadda hoy u tahay in ka badan 50,000 oo Qaxooti ah taasoo ka dhigan mid xad dhaaf ah.

Qaxootigan ayaa la sheegay in badankooda ay kasoo jeedaan wadamadda kala ah Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, inta soo hartayna ay ka yimaadeen dalalka kale ee kala ah Burundi, Ethiopia, Rwanda iyo Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dibadbaxyo ka dhan ah ajaanibta oo ka billowday South Africa, kumannaan qofna cabsi u cararay

Madaxweyne Cyril Ramaphosa ayaa sheegay in dastuurku dammaanad qaadayo xorriyadda dibadbaxa.

  • Afrika

    30-06-2026

  • 01:37PM

Maxay Burkina Faso xiriirka ugu jartay dalkii hore u gumeysan jiray ee Faransiiska?

Xiriirka u dhexeeyay Burkina Faso iyo Faransiiska ayaa si weyn u xumaaday tan iyo afgambigii militari ee dhacay sanadkii 2022.

  • Afrika

    30-06-2026

  • 06:55AM