Ku dhowaad 272 qof rayid ah oo lagu xasuuqay weerar gaadmo ah

Image
Qaramada Midoobay oo si adag u cambaareysay dhacdadan ayaa ku baaqdey baaritaan madax-banaan.

NAIROBI, Kenya - Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo (DRC) ayaa sheegtay in dad tiradoodu tahay 272 qof oo rayid ah lagu dilay xasuuq ka dhacay bariga magaalada Kishishe todobaadkii hore, iyadoo tirada dhimashadu ay saacadihii dambe ku korortey 50 ruux.

Tirada cusub ee dhimashada waxaa Isniintii ku dhawaaqay wasiirka warshadaha Julien Paluku, oo ka hadlay shir jaraa'id oo uu ku wehliyay afhayeenka dowladda Patrick Muyaya.

Dowladda ayaa xasuuqan ku eedeysay jabhadda M23, wallow kooxda ay iska fogeysay mas’uuliyadda, iyadoo ku tilmaantay eedeymaha ah in ay beegsatay dadka rayidka ah mid aan sal iyo raad toona lahayn.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in todobaadkii hore ay heleen warbixino sheegaya in tiro badan oo dad rayid ah ay ku dhinteen iska horimaadyo dhexmaray M23 iyo maleeshiyo deegaanka Kishishe bishii November 29-keedii balse ma aysan sheegin wax tiro ah.

Hawlgalka nabad ilaalinta Qaramada Midoobay ee DRC ayaa dhalleeceeyay warbixinnada xasuuqyada usbuucii hore, iyagoo tibaaxay inay noqon karaan "dambiyo hoos yimaada sharciga caalamiga ah ee bini'aadantinimada" haddii la xaqiijiyo.

"Waan cambaareyneynaa falalkan naxdinta leh, waxaana ugu baaqeynaa dhammaan mas'uuliyiinta awoodda u leh in ay baaritaan ku sameeyaan oo ay cadaalada horkeenaan dembiilayaasha," ayuu howlgalka ku soo qortay Twitter.

Ciidamada DRC iyo M23 - jabhadda xubnaheeda u bahan yihiin qowmiyada Tutsiga ee Congo - ayaa sanado ku dagaalamaya bariga dalkaas, waxaana weerarka lagu eedeeyay uu u badan yahay inuu burburiyo heshiis xabbad-joojin ah oo qalinka lagu duugay bishii hore.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Biyo-xireenkan Niil oo ka dhigay Itoobiya Dhoofiyaha ugu weyn ee korontada Afrika

Masar iyo Suudaan waxay ku doodeen in buuxinta biyo-xireenka ay qaadato 12 ilaa 21 sano si aysan biyuhu u yaraanin.

  • Afrika

    09-09-2025

  • 05:31AM

Itoobiya oo ku eedeysay Jaamacadda Carabta in ay Masar u adeegto

Hadalkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo weli uu taagan yahay muranka dhanka biyaha ah ee u dhexeeya Itoobiya iyo Masar.

  • Afrika

    08-09-2025

  • 11:04AM