Madaxa WHO: Ciidanka Eriteria waxa ay dileen abtigey

Image
Hadalkan ayuu ka sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtay Geneva, isaga oo ka dhawaajiyey dhammaadkiisa ku sheegay arrinkani.

ADDIS ABABA, Ethiopia - Xoghayaha guud ee hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO, Tedros Adhanom, ayaa sheegay in ciidamada Eritrea ee ku sugan gudaha Itoobiya ay dileen abtigii la dhashay hooyadiis.

Hadalkan warbaahinta caalamka qabsadey ayuu ka sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtay Geneva, isaga oo hadalka dhammaadkiisa ku sheegay arrinkani.

"Waxaa la iisoo sheegay in ciidamada Eritrea ay dileen abtigeey, hooyadey ayaan la hadlay, aad ayaan uga naxay dilka, sababtoo ah wuxuu ahaa qofka ugu yar reerkeena," ayuu yiri Tedros.

Wuxuu intaasi raaciyay in uu rajaynayo in heshiiska nabadeed ee la gaaray uu soo afjaro dilalka iyo dhibaatada ka jirta gobolka Tigree. Wuxuu sheegay in abtigiis lala diley 50 qof oo kale.

Tedros oo aan soo bandhigin caddeymo ayaa si weyn ugu dooday bulshada Tigreega ee uu kasoo jeedo, isaga oo u noqday codka ugu dheer ee beesha caalamka dhagaysato.

Itoobiya ayaa si weyn uga hor timid in muddo xilleed labaad loo cusboonaysiiyo Tedros, iyada oo ku eedeysey in uu qeyb ka yahay siyaasadda ururka TPLF, balse arrintaasi ma shaqayn oo Tedros markale ayaa la doortay.

Sanadkii hore ayuu sheegay in la diley qof kale oo ka tirsan qoyskiisa. Dowladaha xiriirka dhow sameysatay kadib dagaalka gobolka Tigray ee Itoobiya iyo Eritrea ayaanan weli ka jawaabin eedeymahan cusub.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dibadbaxyo ka dhan ah ajaanibta oo ka billowday South Africa, kumannaan qofna cabsi u cararay

Madaxweyne Cyril Ramaphosa ayaa sheegay in dastuurku dammaanad qaadayo xorriyadda dibadbaxa.

  • Afrika

    30-06-2026

  • 01:37PM

Maxay Burkina Faso xiriirka ugu jartay dalkii hore u gumeysan jiray ee Faransiiska?

Xiriirka u dhexeeyay Burkina Faso iyo Faransiiska ayaa si weyn u xumaaday tan iyo afgambigii militari ee dhacay sanadkii 2022.

  • Afrika

    30-06-2026

  • 06:55AM