Madaxweynaha Kenya oo "furaya" xadka dhulka Soomaaliya

Image
Xudduudan ayaa xirnayd muddo aad u dheer, waxayna cabaqad weyn ku noqotay isu socodka dadka iyo ganacsiga.

NAIROBI, Kenya - Madaxweynaha Kenya, William Ruto, ayaa la sheegay in uu ka fikirayo sidii uu u furi lahaa xudduuda dhulka ee ka dhaxaysa dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

Xudduudan ayaa xirnayd muddo aad u dheer, waxayna cabaqad weyn ku noqotay isu socodka dadka iyo ganacsiga labada dhinac gaar ahaan bulshooyinka daga xadka.

Xeeldheerayaal dhanka amniga ah oo sanadkan gudihiisa shir ku yeeshay Nairobi ayaa soo jeediyay talo ah in amniga dowladda Kenya ay wax ka tarayso haddii si sharci ah loo furo xuduudda.

Sidoo kale, waxay xuseen ahmiyada ay leedahay in la ogaado waxa soo galaya iyo waxa baxaya, halka hadda badeecooyinka sharci darada ah ay kobciyeen kooxaha duurka ku jira ee amniga waxyeeleynaya.

Sidoo kale, heshiis dhexmaray Ruto iyo Xasan Sheekh oo ku saabsan ku biirista Soomaaliya ee Bahwadaagta Bariga Afrika ayaa waxa uu ahaa in la furo xuduudda dhulka.

Dhanka kale, sabab kale oo keeneysa in la furo xuduudda ayaa ah in ay aad usoo hagaagtay xaaladdii amniga ee xudduuda labada dal wallow mararka qaar ay ka dhacayaan dambiyo.

Kenya ayaa kamid ah dowladaha ciidamadda ku taageeray howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ATMIS kaasoo sanadihii ugu dambeeyay ka shaqeynayay bixitaankooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Biyo-xireenkan Niil oo ka dhigay Itoobiya Dhoofiyaha ugu weyn ee korontada Afrika

Masar iyo Suudaan waxay ku doodeen in buuxinta biyo-xireenka ay qaadato 12 ilaa 21 sano si aysan biyuhu u yaraanin.

  • Afrika

    09-09-2025

  • 05:31AM

Itoobiya oo ku eedeysay Jaamacadda Carabta in ay Masar u adeegto

Hadalkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo weli uu taagan yahay muranka dhanka biyaha ah ee u dhexeeya Itoobiya iyo Masar.

  • Afrika

    08-09-2025

  • 11:04AM