Magaalo jirtey 1,800 sano kahor oo laga helay koonfurta Masar

Image
Magaaladan ayaa waxaa la aaminsan yahay in ay ka talin jirtay Boqortooyaddii Romaanka.

QAAHIRA, Masar - Khubaro ku xeeldheer waxyeebaha qadiimiga ah oo ka hawlgala magaalada Luxor ee koonfurta waddanka Masar ayaa shaaciyey in ay heleen magaalo dhamaystiran oo 1,800 sano kahor.

Mostafa Waziri, oo ah Xoghayaha Guud ee Golaha Sare ee waxyaabaha qadiimiga Masar, ayaa sheegay in magaaladu ay soo taxnayd ilaa qarniyadii 2aad iyo 3aad ee AD.

Waziri oo shir jaraa'id qabtey ayaa talaabadan waxa uu ku tilmaamay "magaalada ugu da'da weyn uguna muhiimsan ee laga helay daanta bari ee Luxor".

"Tuulo la deggan yahay oo dhammaystiran ayaa la helay, iyadoo la helay laba munaaradood oo xamaam  ah markii ugu horreysay," ayuu Waziri ku yiri muuqaal la soo dhigay Twitter-ka.

Magaaladan ayaa la aaminsan yahay in ay deganaan jireen Romaanka, sidda laga soo xigtey Waziri. Waxyaabaha meesha lagu arkay waxaa kamid ah Shimbiraha oo loo maleynayo in la isugu gudbin jiray fariimaha.

Natiijadan oo kasoo baxdey baaritaan la bilaabay bishii Sebtembar, ayaa sidoo kale waxay daaha ka qaaday agab kale oo la adeegsan jiray xiligii Roomaanka oo ay kamid tahay qalabka wax lagu qodo.

Magaaladda Luxor waxay hoy u tahay dooxada caanka ah ee boqorada iyo dooxada Queens waxaana loo qoondeeyay dhul bini'aadamka ka dhaxeeyo oo aan la burburin karin UNESCO World Heritage Site 1979.

GAROWE ONLINE

Related Articles

DR Congo: Xeer Ilaaliyaha Guud oo Dalbaday in dil lagu xukumo Madaxweyne Hore Joseph Kabila

Kabila ayaa bishii May laga qaaday xasaanaddii uu ku lahaa golaha sare ee dalka, isagoo ahaa senator noloshiisa.

  • Afrika

    23-08-2025

  • 01:24PM

Japan oo kusoo biirtay Loolanka Mareykanka iyo Shiinaha ee Khayraadka Afrika

Ra’iisul Wasaare Ishiba ayaa la filayaa inuu ku dhawaaqo qaab-dhismeed cusub oo iskaashi ah oo u dhexeeya Indo-Pacific iyo Afrika.

  • Afrika

    21-08-2025

  • 07:09AM