Mareykanka oo digniin kasoo saarey madaarka Addis Ababa

Image
Dhawaqan ayaa kusoo aadaya xilli uu jiro walwal ah in colaada Tigray soo gaarto caasimada.

ADDIS ABABA, Ethiopia - Maraykanka ayaa uga digay duuliyayaasha diyaaradaha ka hawlgala garoonka diyaaradaha caasimadda Itoobiya in ay halis u geli karaan hub looga soo tuuro dhanka dhulka.

Digniin kasoo baxdey Waaxda Maamulka Duulimaadka Federaalka ayaa lagu sheegay in isku-dhaca ciidamadda dowladda federaalka Itoobiya iyo xoogaga TPLF uu kusii dhawaanaya magaala madaxda.

Xukuumadda Washington ayaa todobaadkan waxay ku boorisay muwaadiniinteeda ku sugan Itoobiya inay "si deg-deg ah ugabaxaan," maadaama la filan karo dhibaato lamid ah tii Afghanistan.

Gegida caalamiga ah ee Addis Ababa waxaa si weyn uga howlgasha Ethiopian Airlines ee ay dawladdu leedahay. Diyaaradan waxay astaan u tahay kobaca dhaqaalaha dalkan aan badda lahayn.

Shirkadda diyaaradaha ayaa sanadihii u dambeeyay noqotay tan ugu weyn uguna maamulka wanaagsan Afrika, iyadoo Addis Ababa u rogtay albaabka laga galo qaaradda. Adis Ababa sidoo kale waa caasimadda dublamaasiyadeed ee qaaradda waana hoyga Midowga Afrika.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya, Dina Mufti, ayaa Khamiista u sheegay wariyeyaasha in dowladiisu ay ku dadaaleyso sidii ay u xaqiijin lahayd ammaanka garoonka caalamiga ah.

Colaadda gobolka Tigray ayaa sanad-jirsatay waxaana ay galaafatay nolosha boqolaal ruux ayadda oo guriyahooda ka barakicisay kumanaan kale qaarkana ku qasabtey in ay gaajo la ildarnaadaan muddo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa’iil oo Danjire u Magacawday Somaliland

Magacaabista Michael Lotem ayaa loo arkaa mid xoojinaysa xiriirka cusub ee dhex maray Israa’iil iyo Somaliland.

  • Afrika

    15-04-2026

  • 07:56PM

Taliyaha Ciidanka Uganda oo dalbaday "Gabadha ugu quruxda badan Turkiga" iyo $1 Bilyan oo dollar

Marka laga soo tago dalabkaas dhanka guurka ah, Jeneraalka ayaa sidoo kale dalbaday lacag dhan $1 bilyan oo dollar.

  • Afrika

    12-04-2026

  • 11:30AM