Markab xamuul oo ku rogmaday dekad ku taalla Iiraan

Image
Iran iyo Tanzania ayaa is-dhaafsada wax ka yar $100 milyan oo ganacsi sannadkii.

NAIROBI, Kenya - Markab nooca xamuulka qaada ah oo laga leeyahay dalka Tanzania ayaa Talaadadii ku rogmaday dekedda Assaluyeh ee koonfurta Iran, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda.

Wakaaladda wararka ee IRNA ayaa warisay in markabkan oo magaciisa lagu sheegay Anil uu qalibmay sababo ku aadan in si qaldan loogu soo raray konteenaradda.

IRNA oo soo xigatay mas'uuliyiin kala duwan ayaa waxay intaas ku dartey in kooxaha samatabbixinta ay shaqaalihii markabka ay ku wareejiyeen markab kale. Ma bixin faahfaahin dheeri ah.

Iran iyo Tanzania ayaa is-dhaafsada wax ka yar $100 milyan oo ganacsi sannadkii. Dekeddu waa xudunta ugu weyn ee laga soo daabulo gaaska iyo kiimikooyinka batroolka laga soo saaro Iran.

Sidda laga soo xigtey warbixino laga helay saxaafadda, marsadda ayaa waxay ku taal meel qiyaastii 940 kilomitir (580 mayl) dhanka koonfureed kaga beegan caasimadda Tehran.

Soo dejinta iyo dhoofinta agabka lagu sameeyo Iran ayaa gaabis ku yimid kadib cunaqabataynta lagu soo rogay bangiyada iyo saliidda taasoo uu  Maraykanku hormuud u yahay.

Xayiraadahaas ayaa waxay ka dambeeyeen ka dib markii madaxweyne Donald Trump uu 2018-kii k saaray Maraykanka heshiiskii nukliyeerka ee Iran iyo quwadaha adduunka ku gaareen Faransiiska.

GAROWE ONLINE

Related Articles

DR Congo: Xeer Ilaaliyaha Guud oo Dalbaday in dil lagu xukumo Madaxweyne Hore Joseph Kabila

Kabila ayaa bishii May laga qaaday xasaanaddii uu ku lahaa golaha sare ee dalka, isagoo ahaa senator noloshiisa.

  • Afrika

    23-08-2025

  • 01:24PM

Japan oo kusoo biirtay Loolanka Mareykanka iyo Shiinaha ee Khayraadka Afrika

Ra’iisul Wasaare Ishiba ayaa la filayaa inuu ku dhawaaqo qaab-dhismeed cusub oo iskaashi ah oo u dhexeeya Indo-Pacific iyo Afrika.

  • Afrika

    21-08-2025

  • 07:09AM